Mareykanka iyo Israel oo duqayn culus ka gaystay Magaalada Tehran

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israel ayaa xalay weerar ballaaran oo xagga cirka ah ku qaaday magaala madaxda Iran ee Tehran, waxayna u muuqataa inay tahay duqayntii ugu weyneyd ee ay ka gaystaan magaaladaasi, 11-kii maalmood ee u dambeeyay ee dagaalkan uu socday.
Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo Israel ayaa garaacay meelo badan oo ka mid ah magaalada, oo ah magaalo fidsan oo si weyn loo degan yahay.
Hawada magaalada ayaa la sheegay in lagu arkay diyaarado joog hoose ku duulaya, kuwaas oo dadka deegaanka ay sheegeen inay tuurayeen bambaanooyin xiriir ah, isla-markaana ay ruxeen xaafadaha magaaladan, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 10 milyan oo qof.
Qaraxyada waaweyn ee ruxay magaalada ayaa baqdin badan ku abuuray dadka reer Tehran, oo sida la sheegay aan xalay ka soo bixin guryahooda, iyadoo lagu jiro 10-ka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadan, oo dadku ay aad u cibaadeystaan, isu socodkooduna uu badan yahay.
Goobo kala duwan oo Tehran ku yaala ayaa la arkayay iyagoo gubanaya, qiiqna uu cirka isku shareeray. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhisme bangi uu ka mid ah bartilmaameedyada ku yaala Tehran ee xalay la duqeeyay, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan hal qof oo shaqaale ahaa.
Warbaahinta maxaliga ayaa soo tebisay in magaalooyin ay ka mid yihiin Isfahan iyo Karaj sidoo kale la beegsaday.
Duqaymahan ayaa khasaare naf iyo maalba leh, inkastoo Wasaaradda Caafimaadka Iran ay uruurineyso tirooyinka dhimashada iyo dhaawaca ee weeraradii ugu dambeeyay.
Duqaymahan ayaa daba socdo hadalkii shalay ka soo yeeray Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth ee ku aaddanaa in Talaadada ay noqon doonto maalintii ugu adkeyd duqaymaha Mareykanka ee Iran.
Weerarada Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 oo qof, tan iyo markii uu dagaalku bilowday, sida ay Warbaahinta caalamiga ah ka soo xigatay ilaha caafimaadka ee dalkaasi.


