Mareykanka iyo Israel oo ku sii kala fogaanaya colaadda Marinka Gaza

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa u muuqdo mid kordhinaya tallaabooyinka uu ku cadaadinayo Israel, si aanay uga sii darin xaaladda bani'aadantinimo ee Marinka Gaza amaba ay u xadido hawlgalkeeda militari ee deegaanka Rafah.

Israel ayaa Talaadadii qabsatay xadka koonfureed ee Marinka Gaza, gaar ahaan xuduudda Rafah oo Gaza ay la wadaagto Masar, iyadoo duniduna ay si weyn uga hortimid.

Mareykanka ayaa toddobaadkii hore hakiyay hub la qorsheeyay in loo daabulo Israel, sababo ku aaddan walaaciisa aadka u kordhaya ee la xiriira in Israel ay mar kale xadgudubyo uga gaysan karto Marinka Gaza.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Arbacadii qiray in hub ay horey ugu direen Israel ay ku waxyeeleysay dadka rayidka ah, sidaasi daraadeedna ay hadda u hakiyeen bambaanooyinka culus ee ay soo codsatay, maadaama ay isu diyaarineyso duulaan ay ku gasho Rafah.

Aqalka Cad ayaa horey ugu caddeeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inaysan Washington taageeri doonin weerarka ballaaran ee Rafah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Jimcihii Congress-ka u gudbisay warbixin sheegeysa suurtagalnimada in Israel ay ku xadgudubtay shuruucda caalamiga ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in laga yaabo in Israel ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada, iyada oo adeegsaneysa hubkii uu siiyay Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa muddo dheer ka dalbanayay Netanyahu inaysan ciidamadiisu dhibaateen dadka rayidka ah, si Washington uu uga yaraado cadaadiska ka haysta dal iyo dibadba, taas oo Netanyahu uu ka dhego adeygay ayaana bilow u noqotay in xiriirka labada dhinac uu aad u xumaado.

Ciidamada Israel ayaa muddadii uu dagaalku socday si indho la'aan ah dadka ugu leynayay koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza, waxayna dhalisay in Biden lagu cambaareeyo taageeradiisa militari iyo maaliyadeed ee Tel Aviv.

Warbaahinta Mareykanka ayaa qoreysa in Biden uu Netanyahu ka codsaday in la soo afjaro dagaalka Gaza, si aysan wax carqalad ah ah ugu iman dib u doorashadiisa, laakiin uu Netanyahu ka biyo diiday.

Netanyahu ayaa habeenkii Jimcaha sheegay in Israel ay dagaalami doonto Mareykanka la'aantiis, iyadoo dadka qaarkii ay wax iska weydiinayaan, sida Israel ay ugu guuleysan karto dagaalkan, Mareykanka la'aantiisa.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu weyn ee Israel ayaa la sheegaya in xiriirkooda uu gaaray meeshii ugu hooseysay, muddada toddobada bilood ee uu socdo dagaalkan Gaza.

Ciidamada Israel way sii wadi karaan dilka iyo gaajeysiinta ee dadka rayidka ah, balse waxaa la qiyaasaya inaysan ku guuleysan doonin dagaalkan, maadaama ay halis gelinayaan nolosha 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza, kuwaa oo welibana la ildaran cunto xumo, biyo, dawo iyo shidaal la’aan.

Hawlgalka Ciidamada Israel ayaa indhaha dunida ku soo jeediyay deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza, waana goobtii ugu dambeysay ee dhulka go'doonsan oo gabaad ay ka dhiganayeen 1.5 milyan oo barakacayaal ah.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa si isku mid ah u sheegay in weerarka Rafah uu horseedi doono masiibo ba'an oo bani'aadantinimo, ha yeeshee aysan Madaxda Israel ka garaabin.

Biden waa uu ogyahay inuusan ku guuleysan doonin doorashada bisha November, inta Israel ay dhiigga gacmaha kula jirto, waxayna tani ku riixeysaa in dhankiisa uu colaadiyo amaba uu xumeeyo xiriirka xulafadooda ugu weyn ee Israel.

Si kastaba ha-ahaatee amarka uu Netanyahu ku bixiyay weerarka Rafah ayaa Israel ka dhigaya mid ka go’doonsan dunida.