Mareykanka oo cunaqabateyn ku bilaabay Israel, ka dib weerarkii Rafah

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa hakiyay shixnad hub ah oo uu u waday Israel, sababo ku aaddan walaaciisa ku aaddan hawlgalka Israel ee deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa muddooyinkanba isku dayay in Israel uu ka hor istaago duulaankeeda Rafah, si loo badbaadiyo nolosha 1.5 milyan oo qof oo barakacayaal ah. Dadkan oo si khasab ah guryahooda looga soo barakaciyay ayaa gabaad u doontay Rafah, oo ah meeshii ugu dambeysay ee Marinka Gaza.

Wakaaladaha Wararka Associated Press, AFP iyo Reuters ayaa Saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ka soo xigtay in Washington ay hakisay hub ay aad uga soo dalbaneysay Israel.

Saraakiishan ayaa sheegay in Aqalka Cad uu si taxadar leh uu dib-u-eegis ugu sameynayo soo jeedinta hubka gaarka ah ee loo gudbinayo Israel, kaas oo laga yaabo in loo isticmaalo weerarka Israel ee Rafah.

"Natiijada dib-u-eegista waxay keentay inaan joojino shixnad hub ah, oo ka kooban bambaanooyinka waaweyn ee diyaaraduhu tuuraan." Ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha la soo xigtay.

Sarkaal kale ayaa sheegay "Waxaan si gaar ah diiradda u saaraynaa dhammaadka isticmaalka bambaanooyinka 2,000-lb iyo saamaynta ay ku yeelan karaan goobaha cufan ee magaalooyinka, sida aan ku aragnay qaybaha kale ee Gaza."  

Bambaanooyinka 2,000-lb ayaa ka mid ah dhowr nooc oo bambaanooyin ah, oo culeyskoodu uu u dhaxeeyo 200 illaa 900kg, kuwaa oo loogu talagalay goobta dagaalka, balse ay Israel si waxashnimo ah ugu adeegsatay goobaha uu rayidku ku badan yahay.

The Wall Street Journal ayaa goor dambe qoray in Mareykanka uu sidoo kale joojiyay in Israel uu u daabulo bambaanooyinka kale ee JDAMs, kuwaa oo muhiim u ahaa Israel.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku warameysa in Tel Aviv ay tixgelin weyday walaaca xulafadeeda, ee ah inaysan weerarin Rafah.

Washington ayaa Tel Aviv ku cadaadineysa in ay joojiso weerarkeeda Rafah, isla-markaana ay dib ugu laabato miiska wada hadalka.

John Kirby oo u hadlay Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku celiyay in Madaxweyne Biden uu si cad ugu sheegay Madaxda Israel inaanay taageersaneyn hawlgalkooda dhinaca dhulka ah ee Rafah.

Kirby ayaa sheegay in kala aragti duwanaanshaha u dhaxeeya Israel iyo Xamaas lagu soo afjari karo dadaalada diblomaasiyadeed ee socda, si loo dhaqangeliyo hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta colaadda Gaza, kaas oo Xamaas-na ay aqbashay.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in hawlgalka Rafah uu muhiim u yahay burburinta Xamaas iyo dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Netanyahu oo dhegaha ka fureystay cawaaqibka daran ee uu yeelan karo weerarka Rafah ayay shalay ciidamadiisu la wareegeen bariga Rafah, iyagoona halkaasi ka wada duqayn galaafaneysa nolosha dad fara-badan oo aan waxba galabsan.

Ciidamada Israel ayaana Talaadadii jaray waddada Rafah, oo ah tii ugu dambeysay ee gargaarka uu ka gelayay Marinka Gaza, waxaana ka sii horreysay in Isniintii ay xireen Isgoyska Kerem Shalom, oo xudun u ahaa sahayda lagama maarmaanka ah ee la gaarsiinayo dadka ku nool dhulka go'doonsan.

Hay'adaha caalamiga ah ayaa sheegay in Israel ay xanibtay goobihii ugu dambeeyay ee la marsiinayay gargaarka naf badbaadinta ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay xireen laba waddo, oo muhiim u ahaa buu yiri marinka gargaarka.

Madaxweyne Biden ayaa dal iyo dibadba kala kulmaya dhalleeceen uu ku mutay taageerada Israel, waxaana la sheegaya in uu ka daalay habdhaqanka khalafsan ee Netanyahu.

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel. Xiriirka labada dhinac ayaana gaaray meeshii ugu hooseysay, tan iyo markii Israel ay bilowday weeraradeeda Marinka Gaza, toddobo bilood ka hor.

inkastoo muddadii uu dagaalku socday uu Mareykanku siinayay Israel taageero militari iyo mid maaliyadeedba, haddana waxaa muuqatay in Netanyahu uu si joogto ah uga dhego adeygayay baaqyada Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ee ku aaddanaa inaysan ciidamadiisu bartilmaameedsan shacabka aan waxba galabsan iyo weliba kaabeyaasha rayidka, sida dhismayaasha la degan yahay, xeryaha barakacayaasha, isbitaalada, goobaha waxbarashada, masaajida iyo kaniisadaha, oo ka mid ah meelaha ka caagan dagaalada.