Mareykanka oo dib u soo celiyay cadaadiskiisii Israel

Dowladda Mareykanka ayaa dib u soo cusbooneysiisay in Israel ay ku cadaadiso inay ogolaato in wax laga qabto xaaladda bani'aadantinimo ee Marinka Gaza.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Israel, Israel Katz ayaa ka dalbaday in Tel Aviv ay hagaajiso xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Wasiir Austin uu ku cadaadiyay Wasiirka Gaashaandhigga Israel in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo gargaarka lagu gaarsiinayo dadka reer Gaza.

Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, General Patrick Ryder ayaa sheegay in Austin uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo tallaabooyinka lagu hagaajinayo xaaladda ba'an ee bani'aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Mareykanka ayaa warqad uu 13-kii bishii October u diray Israel ugu sheegay in ay muddo 30 cisho ah kor ugu qaaddo gelitaanka gargaarka ee Gaza ama ay halis ugu jirto in Washington ay ka joojiso qayb ka mid ah kaalmadii militari ee la siinayay.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in muddadaasi la dhaafay , isla-markaana aanay Israel waxba ka qaban xaaladda bani'aadantinimo ee dadka Gaza, inay uga sii dartay mooyee.

Israel ayaa si weyn hoos ugu dhigtay gargaarkii yaraa ee markii horeba ay hay'aduhu gaynayaan Marinka Gaza, ka dib markii ciidamadeeda ay horaantii bishii October ay hawlgal militari ka bilaabeen deegaanada dhaca waqooyiga Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel waxay sheegeen in hawlgalka ay kaga hortagayaan in Xamaas ay dib ugu xoogeysato waqooyiga Gaza, balse Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeysay in ciidamadeeda ay gebi ahaanba xanibeen gargaarkii la gaarsiinayay dadka aadka u nugul.

Kooxaha gargaarka iyo khubarada hubinta cuntada ayaa sheegay in gaajo aad u daran ay ka jirto dhulka waqooyiga oo dhan, waxayna ka digeen in macluuli ay durbaba ka dilaacday meelo ka mid ah dhulkaasi sida weyn loo go'doomiyay.

Iyadoo dadku ay halgan ugu jiraan wixii ay quudan lahaayeen, si ay u noolaadaan ayaa haddana loogu daray dil, dhaawac, gaajeysiin, barakacin joogta ah iyo weliba xarig aan dhammaad lahayn.

Hay’adda Caalamiga ah Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa baaritaankii ay dhawaan sameysay ku ogaatay in Ciidamada Israel ay Marinka Gaza ka gaysanayaan xasuuq iyo dembiyo dagaal.

Dad badan ayaa qaba in Mareykanka uu si dhakhsi ah Israel uga joojin karo dembiyada ay gaysaneyso, balse uu u muuqdo mid aysan ka go’neyn in uu si dhab ah u cadaadiyo maamulkaasi.

Mareykanka ayaa Arbacadii gooni ka noqday dunida inteeda kale, ka dib markii uu is hortaagay qaraar qabyo ahaa oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ku dalbanayay in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 14 ka mid ah 15-ka dal ee Golaha Ammaanka, iyadoona Mareykanka uu dhaqangelinta qaraarkaasi uu ku hor istaagay awooddiisa Veto.

Mareykanka ayaa noqday dalka keliya ee ka horyimid in la soo afjaro dagaalkan, waana xilli xulafadiisa ugu muhiimsan ay u codeeyeen in la joojiyo dagaalka ay dadka faraha badan ku dhimanayaan.

Tani waxay noqoneysaa markii afaraad oo Mareykanku muddada uu dagaalka Gaza socdo uu Veto ku diido qaraar lagu codsanayay in lagu joojiyo dhiigga dadka Gaza ee daadanaya.