Mareykanka oo doonaya in wax laga bedelo Hay'adda QM ee Falastiiniyiinta

Dowladda Mareykanka ayaa shuruud ku xirtay in dib loo fasaxo lacagihii la siinayay Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ee dhawaan laga joojiyay, ka dib markii 12 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Ka dib markii Israel ay sheegtay in xubnahaasi ay ka qayb qaateen afduubka iyo dilka Israeliyiinta, intii uu socday weerarka, dalal ay ka mid yihiin deeq-bixiyeyaasha ugu sarreya ee Mareykanka iyo Jarmalka ayaa joojiyay taageerada maaliyadeed ee Hay'adda UNRWA.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay in Washington ay dooneyso inay aragto is bedelada aasaasiga ah ee hay'adda ka hawlgasha Gaza, ka hor inta aysan dib u bilaabin maalgelinta hay'addaasi.

"Waxaan u baahanahay inaan eegno hay'adda, sida ay uga shaqeyso Gaza, sida ay u maareeyaan shaqaalahooda iyo in la hubiyo in dadka gaysta falalka dembiyada, sida kuwan 12 shakhsi oo kale ah si degdeg ah loola xisaabtamo, si UNRWA ay u sii wadi karto shaqada muhiimka ah ee ay tahay inay sameeyaan." Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

Waxay sheegtay in loo baahan yahay in sharciga lala tiigsado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkii October 7-deedii.

"Ma ogolaan doono in wixii dhacay ay hareeyaan shaqada wanaagsan ee Hay'adda Qaramada Midoobey ee UNRWA." Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

Hadalka Linda Thomas-Greenfield ayaa loo fasirtay mid tilmaam cad ka bixinaya in Mareykanka aanu si dhakhsa ah dib u bilaabi doonin kharashaadka la siiyo hay'adda, illaa iyo inta wax ka bedel lagaga sameynayo qaab dhismeedkeeda.

UNRWA oo ah hay’adda ugu weyn ee caawisa dadka Gaza ee xilligan adag ee ay masiibada bani’aadantinimo ka jirto dhulka la go’doomiyay ayaa walaac ka muujineysa tallaabada looga joojiyay dhaqaalihii ay ku shaqeynaysay.

Afhayeen u hadlay UNRWA ayaa u sheegay Reuters in hay'addu aysan sii wadi doonin shaqadeeda, wixii ka dambeeya bisha soo socota ee February, haddii aan maalgelinta dib loo bilaabin. 

Ma cadda illaa inta ay qaadan karto baaritaanka UNRWA ee shaqaalaheeda.

Hay'adda ayaa shaqada ka joojisay 9 ka mid ah xubnahaasi oo la aqoonsaday, iyadoo mid la sheegay inuu dhintay, halka labada kalena ay weli baaritaan ku socdaan.

Mareykanka ayaa UNRWA ku taageeray hal bilyan oo dollar, saddexdii sano ee la soo dhaafay, waana dalka ugu weyn ee maalgeliya.