Mareykanka oo Golaha Ammaanka ka codsaday in loo codeeyo qaraarka xabad joojinta Gaza

Mareykanka ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ugu baaqay in ay isugu yimaadaan kulan ay ugu codeynayaan qaraarka qabyada ah ee ay toddobaadkii hore u gudbiyeen golahaasi, ee ku baaqaya in la joojiyo dagaalka Marinka Gaza iyo inay Israel & Xamaas is dhaafsadaan maxaabiista.

"Mareykanka wuxuu ku baaqay in Golaha Ammaanka uu u dhaqaaqo codeynta, iyadoo la taageerayo soo jeedinta miiska saaran." Ayuu yiri Nate Evans, oo ah La taliyaha Safiirka Mareykanka u jooga Qaramada Midoobey.

Nate Evans ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ugu baaqay inaysan lumin fursaddan, si xal loogu helo colaadda Marinka Gaza.

"Xubnaha Golaha Ammaanka waa inaysan ogolaanin in fursaddan ay dhaafto, waana inay ku hadlaan hal cod oo lagu taageerayo heshiiska xabad joojinta." Ayuu yiri Nate Evans.

Codeynta ayaa gelinka dambe ee maanta xilliga Mareykanka ka qabsoomeysa Magaalada New York, iyadoo Kuuriyada Koonfureed ay haysato Madaxtinimada Golaha Ammaanka ee bishan June.

Mareykanka oo lagu tilmaamo xulafada ugu weyn ee Israel ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay is hortaagga uu horaan ku sameeyay qaraaradii ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay in xabad joojin laga hirgeliyo Marinka Gaza.

Golaha Ammaanka ayaa daba-yaaqadii bishii March u codeeyay qaraar ay Qaramada Midoobey ku dooneysay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza. Mareykanka ayaan xilligaasi diidmada qayaxan u adeegsan qaraarkaasi, ka dib saddex jeer oo hore oo Veto uu ku hor istaagay, taas oo loo fasirtay mid ka soo dabcay mowqifkiisii hore, inkastoo ay Israel si adag uga hortimid inay u hoggaansanto qaraarka Golaha Ammaanka.

Israel ayuu dagaalkeedu ka gudbay khadka cas ee wixii ay dunida ku heshiisay, sida ay khubaradu qabaan.

Madaxweyne Biden ayaa isagu soo bandhigay qorshe saddex weji ah, oo sida uu sheegay soo afjaraya colaadda, sii deynta maxaabiista iyo dib-u-dhiska dhulka Falastiiniyiinta ee la burburiyay. 

Hindisaha Biden ayaa Xamaas looga dalbanaya in la haysteyaasha Israeliyiinta ay ku bedelato boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

Xamaas ayaa Khamiistii diiday inay aqbasho hindisaha Biden, kaas oo ay sheegtay inaanu damaanad qaadeen in Israel ay ciidamadeeda kala baxeyso Marinka Gaza iyo inaysan dib dambe ugu soo laaban doonin.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayay maanta booqasho saddex maalmood qaadaneysa uga bilaabatay Bariga Dhexe.

Wasiirka ayaa booqanaya Masar, Israel iyo Qatar, si uu u riixo hindisaha xabad joojinta iyo baahida loo qabo in Xamaas ay aqbasho hindisaha xabad joojinta ee Biden uu soo bandhigay.