Mareykanka oo Qatar ku cadaadinaya inay jawaab ka hesho dhanka Xamaas

Mareykanka ayaa dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar ku cadaadinaya dardargelinta dadaalada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Ururka Xamaas, si loo joojiyo colaadda Marinka Gaza.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa si gaar ah Dowladda Qatar culeys ugu saaraya in ay si degdeg ah Madaxda Xamaas uga hesho jawaabtooda kaga aaddan hindisaha xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga.

Madaxweyne Biden ayaa 1-dii bishan soo bandhigay hindise xabad joojineed, kaas oo uu sheegay in Israel ay u soo jeedisay, lana doonayo in Xamaas ay aqbasho.

Gudoomiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa Khamiistii sheegay in aqbalaadooda hindisaha Biden ay ku xiran tahay inay Israel marka hore caddeyso mowqifkeeda xabad joojinta iyo inay ciidamadeeda kala baxeyso Gaza. 

Osama Hamdan oo ka tirsan Saraakiisha Xamaas ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta ee Biden uu ahaa hadal oo keliya, isla-markaana aysan ururku helin wax ballanqaad ah oo la xiriira xabad joojin waarta.

"Hindisaha Biden uu soo bandhigay ma wadan wax ballanqaad ah, waa uun ereyo uu Biden ka yiri khudbaddiisii." Ayuu yiri Osama Hamdan.

Biden ayaa isagu soo bandhigay qorshe saddex weji ah, oo sida uu sheegay soo afjaraya colaadda, sii deynta maxaabiista iyo dib-u-dhiska dhulka Falastiiniyiinta ee la burburiyay. Xamaas ayaa fahamsan in Mareykanku aanu dooneyn inay ka sii arrimiso Marinka Gaza, waana halka ay sarta ka quransan tahay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al-Ansari oo Doha ka yareynayay cadaadiska ka haysta dhanka Washington ayaa sheegay in ay ka war hayaan in Xamaas ay weli derseyso jawaabteeda kama dambeysta ah ee hindisaha xabad joojinta degdegga ah iyo kala bedelashada maxaabiista. 

Majed Al-Ansari ayaa muujiyay in jawaabta Xamaas ay go'aamin doonto halka looga dhaqaaqayo isgoyska la taagan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo uu ku laabto Israel, si uu u riixo hindisaha xabad joojinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Jimcihii xaqiijisay in Blinken uu Isniinta booqan doono Israel, ka dibna uu uga sii gudbi doono dalalka Masar iyo Qatar. 

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Blinken uu madaxda saddexda dal kala hadli doono baahida loo qabo in Xamaas ay aqbasho hindisaha heshiiska miiska saaran.

Xamaas ayaa ka carareysa in ay wareejiso la haysteyaashii Israeliyiinta ee lagu soo qafaalay weerarkii 7-dii October, iyadoo aanay haysan damaanad-qaad buuxa oo la isku halayn karo, isla-markaana horseedaya in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo Marinka Gaza, dibna aysan ugu soo laaban doonin.

La haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza waa waxa ugu weyn ee ay maanta ku gorgortamayaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Hindisaha Biden ayaa Xamaas looga dalbanaya in la haysteyaasha Israeliyiinta ay ku bedelato boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.