Mareykanka oo rajo ka muujiyay in la qaado cunaqabateynta hubka ee Somaliya

Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Danjire Larry André ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go'an tahay in Dowladda Somaliya ka caawiyaan, sidii ciidamadeeda ay u heli lahaayeen hubka ay u baahan yihiin, xilligan adag ee ay dagaalka kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Safiirka oo ka hadlayay shir lagu qabtay Magaalada Muqdisho, loogana hadlayay maareynta hubka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la qaado xayiraaddii hubka ee muddada dheer saarneyd dalka.

Safiirka ayaa Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku ammaanay in ay horumar wanaagsan ka sameysay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo weliba la dagaalanka maleeshiyada Shabaabka.

"Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaaday tallaabooyin wax ku ool ah, si uu u xaqiijiyo hadafka lagama maarmaan ah, hadafka uu ka gun gaaray maamulka ayaa waxa uu Dowladda Somaliya u horseeday in ay hesho aqoonsi weyn, taa oo u gogol-xaareysa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka qaado Somaliya cunaqabateyntii hubka ee saarneyd." Ayuu yiri Safiirka Mareykanka.

Safiirka ayaa yiri "Waxaan soo dhaweynaynaa horumarka wanaagsan ee ay sameysay Dowladda Somaliya, ee la xiriira sidii wanaagsaneyd ee ay u maareysay hubka."

Waxa kaloo uu yiri "Is bedelka ay tahay in lagu sameeyo qaraarkii cunaqabateynta hubka ayaa waxaa keenay horumarka ay sameysay Dowladda Somaliya iyo guulaha is daba-jooga ah ee ay gaareysay dowladdu, welina sii socda."

Danjire Larry André, Safiirka Mareykanka ee dalka ayaa sheegay in ay ka feejignaan doonaan in hubka la siinayo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed aanay ku dhicin gacan kale, oo halis amni ay ka imaan karto.

"Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ka go'an taageerada ay u fidineyso Dowladda Somaliya, si horumar loo gaaro, iyadoo la xaqiijinayo u wehlista Ciidamada Somaliya hubka lagama maarmaanka u ah, si ay uga adkaadaan Al Shabaab, iyadoo markaasi laga taxadarayo in hubka lagu taageerayo ciidamada aanu u gelin gacan kale, oo halis keeni karta." Ayuu yiri Danjire André.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 29-kii bishii January Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Ergeyga Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda-Greenfield Thomas ayaa ka codsaday in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha Dowladda Soomaaliyeed ee laalidda cunaqabateyntaasi, si uu dalka kaga gudbo dhibaatada ka haysato dib-u-dhiska ciidamada iyo dedejinta dabar-goynta ee kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaasi waxa uu Linda-Greenfield ku booriyay in Washington ay qayb ka noqoto ololaha Somaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka.