Mareykanka oo sheegay in la weeraray laba ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa xaqiijisay in Xoogaga Xuuthiyiinta ay dhowr weerar ku qaadeen laba ka mid ah maraakiibtooda wax burburisa, xilli ay ka gudbeen marinka istiraatiijiga ah ee Bab El-Mandeb, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, General Patrick Ryder ayaa sheegay in diyaarado drones ah iyo gantaalo lagu weeraray maraakiibtooda.
Waxa uu sheegay in maraakiibtooda ay weerarka la kulmeen, xilli ay ka baxayeen biyaha Badda Cas, isla-markaana sii gelaya Gacanka Cadmeed.
General Patrick Ryder ayaa intaasi ku daray in labada markab lagu soo weeraray sideed drones ah, shan gantaal oo kuwa ballaastikada ah iyo saddex gantaal oo nooca lidka maraakiibta.
Labada markab ee la weeraray ayuu magacyadooda ku sheegay USS Spruance (DDG-111) iyo USS Stockdale (DDG-106), kuwaa oo sida uu sheegay ka mid ah maraakiibta wax burburisa ee Mareykanka.
Jananka ayaa xalay Warbaahinta u sheegay in weerarku uu dhacay Isniintii, mana jiraan buu yiri wax khasaare ah oo maraakiibta soo gaaray iyo cid wax ku noqotay.
"Si guul leh ayaa looga hortegay weerarka." Ayuu yiri jananka, balse ma sheegin inta gantaal ay maraakiibtu rideen, si looga hortago khatarta weerarkaasi.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in lagu guuleystay weerarka ay ku qaadeen labada markab. Waxa kaloo uu sheegay in ay si sax ah u garaaceen markabka kale ee diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln oo ku sugnaa Badda Carabta.
General Patrick Ryder, Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka ayaa sheegay in aanu ka warqabin wax weerar ah oo lagu qaaday markabkaasi.
"Waxaan sii wadi doonnaa inaan Xuuthiyiinta u caddayno in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto weeraradooda sharci darrada ah ee aan ka fiirsashada lahayn." Ayuu yiri Ryder.
Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in Talaadadii qaraxyo dhowr ah laga soo sheegay agagaarka meel uu ku socdaalayay markab ganacsi oo marayay Badda Cas. Hay'addu ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi.
Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa tan iyo 19-kii bishii November ee sanadkii hore weeraro ku haya maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale weeraro ku haya maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, iyadoo laga jawaabayo duqaymaha ay diyaaradahooda dagaalka ka gaysanayaan dalka Yemen.
Xuuthiyiinta ayaa in ka badan 90 ka mid ah maraakiibta ganacsiga ku weeraray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida ay sheegtay UKMTO. Qorshaha Xuuthiyiinta ayaana ah in Israel lagu cadaadiyo inay soo afjarto dagaalkeeda Marinka Gaza.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa Mareykanka iyo Ingiriiska ku eedeeyay in ay hurinayaan xiisadda gobolka iyo inay carqaladeynayaan isu socodka maraakiibta laga leeyahay dalalka kale.
Waxay sheegeen inaysan iyagu duulaan ku ahayn maraakiibta aan laga lahayn Mareykanka, Ingiriiska & Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda Dekedaha Israel.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa Ingiriiska iyo Mareykanka ku dhaliilay inay ku guuldareysteen in ay Israel ka joojiyaan xasuuqa ay ku hayso dadka reer Gaza.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa dhawaan wacad ku maray in xoogagiisa ay weerarada sii wadi doonaan, inta Israel ka joojineyso xasuuqeeda ka dhanka ah dadka Gaza, isla-markaana ay ka soo afjareyso go'doominta ay muddada dheer ku hayso Marinka Gaza.