Markab dagaal oo Turkiga leeyahay oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho 

Markabkan oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Turkiga ayaa maanta ku soo xirtay Dekedda Magaaada Muqdisho, iyadoona uu horudhac u yahay dhaqangelinta heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Labada dowladood ayaa 8-dii bishii February kala saxiixday heshiiskan oo socon doono muddo 10 sano ah, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 21-kii bishaasi u sheegay Warbaahinta. Heshiiskan ayaana ah mid uu Turkigu Somaliya kaga caawinayo ilaalinta xeebaheeda.

Markabka dagaal ee TCG Kınalıada (F-514) oo ay la socdeen Saraakiil Turkish ah ayaa waxaa Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Admiral Cabdi Warsame Cismaan, Safiirka Turkiga ee dalka, Danjire Alper Aktas, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa markabka dushiisa kaga qaybgalay munaasabad lagu bogaadinayo imaanshiyaha Ciidanka Badda Turkiga ee dalka.

Sarkaal u hadlay Saraakiisha Turkiga ee la socda markabka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay gacan ka gaysan doonaan xaqiijinta ammaanka ee xeebaha dalka.

Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan dib-u-dhiska Ciidanka Badda, si amni loogu soo dabaalo xeebaha uu dalku leeyahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Somaliya ay maanta ugu dhowdahay in ay ilaashato baddeeda.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan heshiiska ay dowladdooda la gashay Turkiga iyo garab istaagga muuqda ee uu Turkigu la garab taagan yahay.

"Haddaan nahay Somaliya iyo shacabka Turkiga waxaa naga dhaxeeya wax saaxiibtinimo ka weyn. Waxaa naga dhaxeeya walaalnimo, caqiiddo, dhaqan suuban iyo taariikh qadiimi ah oo muddo dheer soo jirtay." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegaya in inkastoo saaxiibada caalamiga ah ay gacan siinayaan Somaliya, haddana uu Turkigu u muujiyay sida uu yiri wax ka duwan wixii hore.

"Annagoo dhammaanba saaxiibada caalamka oo dhan xushmad iyo qaddarin u hayno, haddana wadanka Turkiga waxay noo muujiyeen wax ka duwan wixii hore." Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Heshiiskan ayaa imaanaya, iyadoo Dowladda Somaliya ay si adag uga hortimid heshiiskii is afgaradka ahaa ee Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishii January ku gaareen Magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya u ogolanayo inay hesho marin badeed.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale is garab taagay Villa Somalia, xilli Geeska Afrika si weyn looga dareemay xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa.

Turkiga ayaa Somaliya ku leh saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, waana Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Turksom oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho. Saldhigga Turksom ayaa wax weyn ka bedelay baahidii ciidan ee horaan ka jirtay dalka.

Saraakiisha Militariga Turkiga ee ka hawlgala dalka ayaa gacan ka gaysta hawlgalada dhinaca cirka ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab. 

Ankara oo Muqdisho ku leh xarunta safaaradeed ee tan ugu weyn ay caalamka ku leedahay ayaa sidoo kale Villa Somalia ka taageerta xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Turkigu waa dal weyn oo ka tirsan Gaashaanbuurta NATO, waana dal saamayn ku leh dunida, macnana u leh qorshaha istiraatiijiyadeed ee lagu maamulo diblomaasiyadda, xiriirka ganacsiga iyo amniga.