Masar oo si adag u beenisay inay taageereyso Militariga Israel
Militariga Masar ayaa si adag u beeniyay inay taageerayaan Militariga Israel, ka dib markii lagu eedeeyay inay ciidamadaasi ka caawinayaan deked ay hubka kala soo deggaan.
Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Warbaahinta gobolka qaybteed ay tebisay warar sheegaya in markab hub u sida Israel uu ku soo xirtay Dekedda Alexandria ee Masar.
Militariga Masar ayaa xalay war ay soo saareen ku sheegay inaysan waxba ka jirin eedeymaha ka dhanka ah ciidamadooda ee ku faafay barraha bulshada.
"Ciidamada Qalabka Sida ee Masar waxay si cad u beeninayaan waxa lagu faafiyay barraha bushada iyo koontooyinka shakiga leh ee na lagu dacaayadeenayo." Ayaa lagu yiri warka Militariga Masar.
Warka ayaa lagu sheegay inaysan waxba ka jirin in Ciidamada Masar ay Ciidamada Israel ka caawinayaan hawlgaladooda militari ee gobolka, isla-markaana aanu jirin wax hub ah oo uga soo degay dekeddaasi.
Wasaaradda Gaadiidka Masar ayaa sheegtay in markabka MV Kathrin uu ku soo xirtay dekeddaasi, balse aanu wax hub ahi u wadin Israel.
Wasaaradda ayaa qoraal ku sheegtay in markabku uu shixnad hub ah u siday Militariga Masar, sidaasna loogu ogolaaday inuu ku soo xirto dekedda ku taala Badda Mediterranean-ka, si uu u dejiyo hubka ay leeyihiin Militariga Masar.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in markabku uu hubkaasi dejiyay, isla-markaana uu u jiheystay dhinaca dalka Turkiga.
Shacabka Carabta ayaa ka carooday in markabkaasi loo ogolaaday inuu ku soo xirto dekedda dalkaasi, ka dib markii dalalka Namibia, Angola iyo Malta ay diideen in uu ku yara hakado dekedahooda, sababtu tahay isaga oo sida hub ay Israel leedahay.
Saddexdan dal ayaa horey isaga diiday inay taageeraan hubka ay Israel xasuuqa kaga gaysaneyso Marinka Gaza, waana taas sababta ay shacbiga Carbeed ugu dhegan yihiin Dowladda Masar.
Muuqaalada laga helay markabka ayaa muujinaya inay ku rarnaayeen bambaanooyinka waaweyn ee ay Israel muddooyinkanba ku garaaceysay Marinka Gaza, mana ahan nooc hub oo Masar looga bartay.
Qareenada Xuquuqul Insaanka ee Jarmalka ayaa maalin ka hor maxkamad ku taala Magaalada Berlin u gudbiyay dacwad ay kaga dalbanayaan in lagu joojiyo markabka MV Kathrin, kaas oo sida ay sheegeen Israel u wada hub gaaraya 150 tan oo kuwa wax burburiya ah.
Markabka ayay sheegeen in laga leeyahay dalkaasi Jarmalka, isla-markaana uu yahay kan ugu weyn ee hubka u daabula Israel.
Masar waa dalka Carbeed ee xuduudda ugu dhow la leh Marinka Gaza, iyadoo nidaamka maanta ka jira dalkaasi lagu dhalleeceeyo inuu taageerayo qorshaha ay Israel ku xanibeyso gelitaanka gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza, iskaba daa gacan ay ka gaystaan wax ka qabashada shacabka lagu hor xasuuqayo.