Maxkamadda Ciidamada oo mar kale laba nin ku toogatay Baydhabo

Maxkamadda Ciidamada Militariga ayaa saaka laba nin ku toogatay fagaare ku yaala duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Maxkamadda ayaa waxay xukunka dilka ah ku fulisay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan, kuwaa oo horey loogu helay in ay dilal gaysteen.

Maxkamadda Darajada 1aad Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 60aad ayaa horey xukun dil toogasho ah ugu xukuntay labadaasi nin.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa sheegay in raggaasi lagu fuliyay xukunkii qiyaasta ahaa.

Maxkamadda ayaa Axaddii shalay waxay Cara-tuurka Baydhabo ku toogatay Xuseen Maxamed Cabdinuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, kuwaa oo horey loogu helay in ay dilal gaysteen.

Maxkamadda ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxay xukun dil ah ku fulisay tobanaan qof, oo horey maxkamaddu ugu xukuntay dil toogasho.