Maxkamadda Militariga oo xukuntay sarifle u basaasayay Al Shabaab

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan ka gaartay nin sarifle ahaa, oo loo haystay in uu u basaasayay maleeshiyada Al Shabaab.

Maxamed Cali Xirsi Diirshe ayay ciidamadu ka soo qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha 11-kii bishii December ee sanadkii hore, iyadoona muddadaasi uu ku jiray gacanta laamaha amniga.

"Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayuu ku lahaa goob uu gabaad ka dhiganayay oo lagu sarifo lacagaha, isagoo Khawaarijta u gudbin jiray xogaha ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana maraya waddada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan, intaba." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maxkamadda Militariga.

Warka ayaa lagu sheegay "Khawaarijta waxuu ku biiray sanadkii 2012, waxaana ku tashkiiliyay Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ay ugu xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, isagoo ku daray qaybta jaajuusnimada iyo bambo tuurka, xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan, oo ahaa horjoogihiisa."

Ninkan ayaa lagu helay in bishii June ee sanadkii 2022 uu bambo gacmeyd ku tuuray Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka ka dhisan Ceelasha Biyaha, kuwaa oo xilligaa ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kalena uu bambooyin kale ku tuuray Baar Al Nasri 3 iyo Hotel Mustalifa. Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof, oo laba ka mida ay haween ahaayeen.

Maxkamadda Militariga oo bishii hore ee March guda gashay dacwadda loo haysto ninkan ayaana ugu dambayntii maanta soo saartay go'aankeeda.

Maxkamadda ayaa 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamed Cali Xirsi Diirshe, sida uu sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Waa kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee ay maxkamaddu go'aan ka gaarto, inta la xusuusto sanadahan dambe.