Militariga Iran oo shacabka Israel ku wargeliyay inay ka fogaadaan xarumaha ciidamada iyo sayniska

Militariga Iran ayaa shacabka Israel ku wargeliyay inay ka fogaadaan goobaha muhiimka ah ee militariga iyo xarumaha kale ee Israel.

Militariga Iran ayaa shacabka u sheegay in ay ka tahay in ay ka guuraan amaba ka baxaan meelaha ku dhow dhow Saldhigyada Militariga Israel iyo goobaha sayniska.

Bayaan ka soo baxay Taliska Militariga Iran, lagana baahiyay Telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in badbaadada shacabka ay ku jirto in ay dhageystaan digniinta Jamhuuriyadda Islamiga ah ee Iran.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Iran oo lagu magacaabo Korneyl Reza Sayad ayaa akhriyay bayaanka, ka dib markii Iran ay xalay gantaalo ku weerartay bartamaha iyo waqooyiga Israel.

Afhayeenka ayaa shacabka uga digay in ay ku socdaalaan goobaha xasaasiga ah iyo meelaha kale ee muhiimka ah, maadaama sida uu sheegay ay xilli kasta bartilmaameed yihiin.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada Iran ay mar hore si guul leh u garaaceen bartilmaameedyo xasaasi ah, oo ay ku jiraan sida uu yiri Xarumaha Militariga & Amniga ee Israel.

Korneyl Reza Sayad ayaa dhanka kale Israeliyiinta la soo dejiyay dhulka la haysto ugu yeeray in ay ka baxaan inta ay awoodaan, maadaama ay Iran beegsan doonto sida uu yiri dhammaan dhulka la haysto.

Korneyl Reza Sayad ayaa ka digay in Israeliyiinta laga dhigto gaashaan, haddii weerarada ciqaabta ee Iran ay kordhi doonaan sida uu yiri maalmaha soo socda.

"Sidaa daraadeed, waxaan jeclaan lahayn inaan carabka ku adkayno oo naga digniin ah inaadan maamulka dembiileyaasha ah u noqon gaashaan, sababtoo ah dhulka la haysto ma noqon doonaan kuwo la degi karo mustaqbalka." Ayuu yiri Korneyl Sayad oo intaasi ku daray inaysan xitaa wax amni ah ku heli doonin godadka dhulka hoostiisa ay ku cararaan, marka ay weerarada jiraan. Korneylka ayaa u muuqday mid daba joogo warkii Axaddii ka soo yeeray Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee uu shacabka ugu sheegayay in ay raacaan tilmaamaha badbaadada ee Saraakiisha Israel.

Digniinta Iran ayaa timid saacado ka dib, markii Israel ay shacabka Iran ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha ku dhow dhow xarumaha wax soosaarka hubka ee dalkaasi.

Kororka duqaymaha ay isweydaarsanayaan Israel iyo Iran ayaa cawaaqib ba'an ku yeelanaya shacabka labada dhinacba.