Militariga Israel oo 5 kun oo askari looga dhaawacay dagaalka Gaza

Ugu yaraan 5,000 oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Israel ayaa lagu dhaawacmay dagaalka Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas ku dhex maraya Marinka Gaza.

2,000 oo ka mid ah ciidamadaasi ayay Wasaaradda Gaashaandhigga Israel u aqoonsatay inay naafo yihiin, sida ay sheegtay Warbaahinta Israel.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa Sabtidan sheegay in Waaxda Daryeelka Ciidamada ee Wasaaradda Difaaca Israel ay maalin kasta diiwaangeliso dhaawacyada ku dhawaad 60 ka mid ah askarta, taas oo ay ku xisaabtamaan Saraakiisha Ciidamada iyo ciidanka kale kaydka ah, oo aanay ku jirin ciidanka caadiga ah.

Madaxa Waaxda Baxnaaninta ee Wasaaradda Difaaca Israel, Limor Luria ayaa sheegtay in 58% askarta dhaawacantay ay ka burbureen lugaha iyo gacmaha.

"Weligay ma aanan la kulmin tan oo kale." Ayay Limor Luria u sheegtay Wargeyska maalinlaha ah ee Yedioth Ahronoth.

Waxay sheegtay in 12% ay askarta ka dhaawacmeen xubnaha uur ku jirta, sida beerka iyo kelyaha.

"Qiyaastii 12% dhaawacyada waa gudaha oo ka kooban beeryarada, kelyaha iyo dillaaca xubnaha gudaha." Ayay tiri Limor Luria.

Waxa ay intaasi ku dartay "Qiyaastii 7% waxay la ildaran yihiin murugo nafsi ah, tiro aan ognahay ayaa si aad ah kor ugu kici doonta."

Wakaaladda Wararka Israel ee KAN ayaa Arbacadii sheegtay in boqolaal ka mid ah Ciidamada Israel ay dhaawacyo daran ka soo gaareen indhaha, isla-markaana ay qaarkood lumiyeen aragga indhaha.

Taliska Militariga iyo Maamulka Israel ayaa lagu eedeeyay in ay qarinayaan xogta khasaaraha ciidamada ka soo gaaraya dagaalka, iyadoo Warbaahinta madaxbannaan aysan xitaa shaacin macluumaadka ku aaddan tirada dhimashada ee ciidamada, si loo ilaaliyo mooralka shacabka.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa Isniintii qiray inaanan si dhakhsi ah lagu soo afjari karin Xoogaga Ururka Xamaas, marka aad eegto sida uu dagaalku u qaraar yahay.

Duulaanka Ciidamada Israel ee Gaza oo galay bishiisii 3aad ayaan la ogayn muddada ay sii wadi karaan.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaase ku hanjabay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta ay ka takhalusayaan Xoogaga Xamaas.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu waxyeelada badnaa ee Ciidamada Israel ka soo gaara dagaal ka galaan Bariga Dhexe, tan iyo aasaaskii ee Dowladnimada Israel.