Militariga iyo ragga baxsadka qaarkood oo ku dagaalamay Yaaq-bariweyne

Ciidanka Guutada 7aad ee Militariga Somaliya oo kaashanaya Booliska Degmada Wanlaweyn ayaa maanta weeraray aagga deegaanka Yaaq-bariweyne ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay ogaadeen inay ku sugan yihiin xubno ka mid ah lixda nin ee dilka ku xukuman, balse baxsadka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xogtooda heleen xubno uu ka mid yahay Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), oo si qarsoodi ah halkaasi ku yimid.

Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay raggaasi oo ay ku dhafan yihiin maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, kuwaas oo deegaano ka durugsan Yaaq-bariweyne uga yimid, sidii ragga ay dilka ku xukuntay Maxkamadda Militariga looga badbaadin lahaa ciidamada la daba dhigay in ay soo xiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay weerarka ka soo qaadeen dhinaca Degmada Wanlaweyne, balse markii dambe ay Yaaq-bariweyne uga baxeen jihada Saldhigga Ballidoogle oo Kumaandooska Danab ay degan yihiin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadu ay horey u sii wateen mid ka mid ah kooxaha isbaarooyinka soo dhigta waddada u dhaxeyso deegaanada Yaaq-bariweyne iyo Leego oo hoostaga Degmada Wanlaweyn.

Hawgalka ay ciidamadu ku baadigoobayaan ragga baxsadka ah ayaa waxaa qayb ka ah in ay isbaarooyinkana ka sifeeyaan waddada laamiga ee isku xirto Wanlaweyne, Yaaq-bariweyne illlaa Leego iyo inay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadka qaybta ka ah kooxaha isbaaraleyda ah.

Ciidamada waxay u muuqdaan kuwo xakameeyay isbaarooyinkii la soo dhiganayay inta u dhaxeyso Wanlaweyn iyo Yaaq-bariweyne, balse ay weli waxba ka qaban la'yihiin maleeshiyaadka kale ee beelaha ee dadka safarka ah ku dhibaateeya jidka isku xiro Yaaq-bariweyne iyo Leego.

Hawlgalkii maanta ay ciidamadu ka sameeyeen nawaaxiga Yaaq-bariweyne ayuu bartilmaameedkiisu koowaad ahaa in lagu soo xiro Fu'aad Duqow, laakiin ay ku guuldareysteen.

Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo hoggaaminaya hawlgalkan ayaa si maalinle ah uga warbixiya halka uu hawlgalku marayo, balse weli kama aanu hadlin dhacdadii maanta.

Hawlgalkii maanta wuxuu ahaa kiisii ugu dhawaa ee ay ciidamadu ku soo qaban kareen Fu'aad Duqow, tan iyo markii ay hawgalkan bilaabeen oo toddobaadkiisii saddexaad uu socdo.

Duqow iyo shanta xubnood ee kale oo lagu kala magacaabo Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Deeqow Cismaan Nuunow, Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Tuurey) ayay 22-kii bishii November ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku heshay in ay dilal ka gaysteen Yaaq-bariweyne, iyadoona ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, iyaga oo maqaneyaal ah.

Axmed Gaashaan ayaa muddooyinkanba ku celcelinayay in raggaasi aysan ka baxsan doonin sharciga, isla-markaana ay ka soo qaban doonaan sida uu yiri meel kasta oo ay isku qarinayaan.