Militariga oo ka warbixiyay weerarkii Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaa

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Somalya, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay weerarka ay maleeshiyada Al Shabaab Sabtidii ku qaadeen deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.
Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay ka hortaggeen weerarka qorsheysan ee maleeshiyada Al Shabaab ku soo qaadeen deegaankaasi.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamadu ay fashiliyeen weerarkaasi, kaas oo ujeedkiisu ahaa in Shabaabku ay ku qabsadaan deegaankaasi.
"Weerar fashilmay ayay kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab ku soo qaadeen Magaalada Masagawaa ee Gobolka Galgaduud. Waxaa ka war helay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee fariisimahooda uu halkaasi yahay iyo dadka deegaanka, waxayna u sameeyeen dhaba-gal, waxayna ku fashiliyeen kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab oo damacoodu ahaa inay Magaalada Masagawaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhibaateeyaan." Ayuu yiri Afhayeenku.
Waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay haatan gacanta ku hayaan Masagawaa, Shabaabkii soo weerarayna ay dib u caabiyeen.
"Waxaan u mahadcelinaynaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo si wadajir ah isaga kaashaday difaaca deegaanka iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada. Sidaas oo kale waxaan u mahadcelinaynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Galgaduud ee la soo wadaagay Ciidanka Xoogga Dalka xogta sugan." Ayuu yiri Abuukar Macalin Maxamuud, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somalya.
Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxaan leenahay in badan oo Khawaarijta ka mid ah ayaa halkaasi lagu khaarijiyay. Markay Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay xogta heleen oo cadowga ay ka fashiliyeen hawlgalkii u qorsheysnaa, waxaa Masagawaa iyo nawaaxigeedaba gacanta ku haya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si buuxda ayayna gacanta ugu hayaan."
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhowr jiho ka soo weerareen deegaanka, balse aysan u suurtagelin inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in intii uu dagaalku socday ay diyaarado dagaal dhinaca hawada ka garaaceen Shabaabkii soo hujuumay deegaanka. Xaaladda Masagawaa ayaana ah mid degan.
Dhanka kale ma cadda khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda, balse dhaawacyada askarta ayaa diyaarado loogu qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa imanaya, iyadoo dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan oo xoog leh uu ka socdo Gobolada Dhexe, kaas oo la xiriira wejiga labaad ee dagaalka dib-u-xoreynta dalka.


