MW Xasan Sheekh oo furay Kalfadhigga 3aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhigga 3aad ee Baarlamaanka 11aad, ka dib markii Xildhibaanada Labada Aqal ay ka soo laabteen fasax muddo laba bilood ah oo ay ku maqnaayeen.

Madaxweynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Aqalka Villa Somalia.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrinta amniga oo kale ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisu ay wax badan ka qabatay, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay.

"Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsanay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda, waxaana durbadiiba qaadanay tallaabooyin dhiig-joojin ah iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyadda mustaqbalka dhow iyo midka fogba. Maanta oo aan xilka hayno muddo sanad ah, waxaan ku guuleysanay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelino. Waxaan dib u habeynay ciidamada, waxaana dib u soo celinay kala dambayntooda iyo wada shaqeyntooda, kana fogeynay in ay ku milmaan siyaasadda. Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxay inoo sahleen in hawgalada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn oo wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyada Ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al Shabaab.  Goor dhow, waxaa dib u bilaabaynaa wejiga 2aad ee hawlgaladaasi kaasi oo noqonaya midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al Shabaab haddii Alle ogolaado. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al Shabaab, looguna tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aaminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo Muslim ah ka qayb qaato." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada u sheegay inaanan la siyaasadeyn karin dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, isagoona yiri "Waxaan rabaa in aan Labada Gole ee Barlamaankeenna sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al Shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado  isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al Shabaab."

Mar uu ka hadlayay waxa keenay is bedelka amni ee laga dareemay Magaalada Muqdisho ayuu yiri "Waxaan doonayaa in aan idin la wadaago shaqada baaxadda leh ee ka qabsoontay sugidda amniga caasimadda oo is bedel badan laga dareemayo. Is bedelkaas wuxuu ku yimid dib u habeyn iyo dib u eegis lagu sameeyay hay’adaha amniga ee caasimadda ka hawlgala iyo wada shaqeyntooda. Waxaa sidoo kale la kordhiyay tirada ciidanka ee sugayo amniga caasimadda, kuwaas oo qaatay tababar ciidan oo aad u sarreya, lehna anshax wanaagsan oo ay kula dhaqmaan shacabka ay ilaalinayaan sharaftooda iyo badqabkooda."

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay xoojiyeen dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida, isla-markaana ay qaar ka mid ah dalalka shisheeye ka caawiyeen tababarka ciidamada.

"Dhismaha iyo tayaynta ciidamada ayaan sii laba jibaarnay, waxaana inoo suurtagashay in qaar ka mid ah saaxiibada caalamka ay inaga saacideen tababarka kumanaan ciidan ah, oo la wareegi doono sugidda amniga iyo kala dambaynta dalka. Ciidamada cusub ee aan tababarnay mudada aan xafiiska joognay waa dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo xulay dhammaan deegaanada dalka, waxayna dhabbo cusub u jeexi doonaan soo celinta sharafka iyo karaamada dalkeenna." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka waramayay howlaha masiiriga u ah qaranka ayaa yiri "Tan iyo markii la ii doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, waxaan guddoomiyay lix kulan oo Golaha Wadatashiga Qaran, oo ah madal lagu gorfeeyo heshiis siyaasadeedna looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee qarankeenna horyaalla, oo ugu horreeyaan  federaaleynta dalka, ilaalinta wadajirka & midnimada dalka iyo dadkaba.

Mahad haka gaartee Alle (SWT), kulamadii u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa ka soo baxay heshiisyo siyaasadeed oo tobankii sano ee la soo dhaafay horey loo dhaqaajin waayay. Waxaa heshiis siyaasadeed laga gaaray arrimaha ay ka mid yihiin:-

1. Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

2. Astaynta awoodaha Hay’adaha Dowladda ee heerarka kala duwan.

3. Federaaleynta Nidaamka Garsoorka Dalka.

4. Federaaleynta Arrimaha Maaliyadda.

5. Qaabeynta Amniga Qaranka.

Heshiisyadan waa kuwo siyaasadeed oo ay dhici karto, mararka qaar in Golaha Wadatashiga Qaranka ku kala aragti duwanaado, hase yeeshee waxaanan la isku diidanayn oo aan la isku colaadinayn in qof ama hay’ad ay ka yeelan karto aragti gaar u ah, hase yeeshe waxaa muhiim ah in aragtidaasi noqon dabar ku xiran dhameystirka howlaha masiiriga ah ee dowlad dhiska, gaar ahaan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo aan heshiis kunahay in la qabyo tiro." 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay "Sidaa daraadeed waxaan rabaa inaan kula dardaarmo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in hayaan looga guuraayo fadhiidnimada siyaasadeed ee dhismaha dowlad qaran aan laga raadin dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran ee si dhab ah u hanaqaadda."