Xiisad ka taagan xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalintii 2aad ay xiisad ka jirto meel ku dhow xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay aroornimadii Khamiista dagaal muddo kooban socday kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceelcadde, oo hoostagga Degmada Far Libaax ee Gobolka Hiiraan. Ceelcadde ayaana qiyaastii 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne.

Dhowr boqol oo nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab oo lagu diyaariyay deegaanka Buq-goosaar, oo 30km u jirta Ceelcadde ayaa weerar ku ekeeyay fariisimihii ay Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ku lahaayeen deegaankaasi, iyadoona muddo ka dib ay Macawiisleyda soo banneeyeen Ceelcadde.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu isla shalay ka dhacay deegaanka Caagsibiri, ka dib markii maleeshiyada Shabaabka ay waddada u galeen ciidan gurmad ahaa oo ka soo dhaqaaqay Degmada Far Libaax, kuna sii jeeday Ceelcadde. Caagsibiri ayaa 15km dhanka qorax-sin uga toosan Far Libaax.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dagaal la isku soo noqnoqday uu labada dhinac ku dhex maray Caagsibiri, isla-markaana ay ciidamadu kolkii dambe u suurtagashay in ay halkaasi ka saaraan Shabaabka.

Waxaa hadda socdo abaabulka gurmad ciidan oo ku wajahan Ceelcadde, si halkaasi lagaga saaro maleeshiyada Al Shabaab.

Korneyl Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ciidamadu dib ula wareegi doonaan deegaanka Ceelcadde.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama'diid) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in weerarkaasi laga baaqsan karay, haddii Ciidanka Difaaca Shacabka la siin lahaa taakuladii ay dalbadeen.

Xildhibaan Gama'diid ayaa sheegay in Macawiisleyda ay heleen xogta in weerar lagu soo yahay Ceelcadde, balse nasiib darro aan la siinin saanad ay weydiisteen Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la dayaco Macawiisleyda Ceelcadde, oo muddo horfadhiyay sida uu yiri cadowga ummadda Soomaaliyeed.

La wareegista Al Shabaab ee Ceelcadde ayaa si weyn looga dareemay deegaanada ku teedsan xadka gobolkaasi uu la leeyahay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Taliska Qaybta 27aad ayaa hadda isku dayaya in Shabaabka laga fogeeyo deegaanada ku dhow dhow amaba hoostagga Far Libaax, oo iyadu ku taalo goob istiraatiiji ah oo gobolkaasi ku xirto Gobolka Bakool iyo Dowlad Deegaanka.