Netanyahu: Dagaalku wuu soconayaa, illaa inta aan kala wareegayno Gaza
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa mar kale ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto dagaalka Gaza, si ay ula wareegaan maamulka Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay inaysan joojin doonin dagaalka, illaa dhammaan qaybaha Gaza ay maamusho Israel, isagoo dhanka kalena aan niyad xumo ka muujin dhalleeceynta sii kordheysa ee uga imaneysa xulafadooda muhiimka ah, sida reer Yurub oo ka soo horjeestay in la ballaariyo ololaha militari ee Gaza, sababtoo ah dagaalka Israel oo ku wajahan shacabka aan hubeysneyn.
Militariga Israel ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ay Gaza ka bilaabeen hawlgal ballaaran oo dhinaca dhulka ah oo loogu magac-daray (Hawlgalka Gideon Chariots). Hawlgalkan ayaa daba socdo, ka dib wax ka badan laba bilood oo is hortaag ay ku hayeen gargaarkii la gaynayay dhulka go'doonsan, dadka rayidka ahna ay bilaabeen in ay gaajo u dhintaan.
Raysal Wasaaraha Israel oo xalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jerusalem (Qudus) ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in xukuumaddiisu ay geli karto heshiis si buuxda loogu soo afjarayo dagaalka Gaza.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in ay furan tahay xabad joojin ku-meel-gaar ah, oo ay ku bedelanayaan in maxaabiista loo soo sii daayo. Muddada xabad joojinta ka dibna ay dib u bilaabayaan dagaalka.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in Israel aysan ka tanaasuli doonin dagaalkan, isaga oo sheegay in ay leeyihiin hadaf cad oo xaq ah, si ay u burburiyaan Xamaas.
"Waxaa naga go'an inaan xaqiijino ujeedooyinkeenna dagaalka, illaa dhammaadka." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Israel oo intaa raaciyay in shaqadooda aysan weli dhammaanin.
Waxa uu sheegay in ay horey u dileen tobanaan kun oo argagixiso, oo ay ku jiraan sida uu yiri hoggaamiyeyaasha sarsare ee Xamaas, kuwaas oo uu ka xusay Ismail Haniyeh, Yahya Sinwar iyo Mohammed Deif. Waxa kaloo uu sheegay in malaha ay dileen Mohammed Sinwar oo la dhashay hoggaamiyihii hore ee Xamaas, Yahya Sinwar. Ninkan ayay Israel toddobaadkii hore sheegtay in ay ku beegsadeen koonfurta Marinka Gaza.
Netanyahu ayaa ku faanay qayb ahaan inay burburiyeen kaabeyaasha argagixisada sida uu yiri ee Gaza, inta dhimana ay dhameystirayaan.
Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Israel ay maamuli doonto Marinka Gaza, ka dib marka uu dhammaado dagaalka, taas oo ka dhigan in ciidamadiisa aysan ka bixi doonin Gaza, xitaa haddii ay Xamaas ka adkaadaan.
Mar uu ka hadlayay baahida loo qabo in wax laga qabto xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza ayuu soo bandhigay qorshe ka kooban saddex marxaladood oo gargaarka lagu gaarsiinayo Gaza, looguna qaybinayo shacabka.
Tani ayuu ku sheegay in ay fasaxayaan in gargaarka aasaasiga ah la geeyo Gaza, in la furo goobo ay cuntada ku qaybiyaan shirkadaha Mareykanka, iyadoo ay goobahaasi ilaalin doonaan Ciidamada Israel iyo in la sameeyo aag lagu ilaaliyo dadka rayidka ah, ka dib marka ay la wareegaan ammaanka Gaza.
Israel ayaa dooneysa in gargaarka ay ka wareejiso hay'adaha caalamiga ah iyo inaanan lagu qaybin Xarumaha Qaramada Midoobey ee weli taagan ee ku yaala Gaza.
Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa 4-tii bishan ansixiyay hindise cusub, kaas oo shirkado gaar loo leeyahay loogu wareejinayo keenista iyo qaybinta ee gargaarka Gaza.
Qaramada Midoobey iyo dowlado shisheeye oo Shiinuhu ka mid yahay ayaa cambaareeyay qorshahan, waxayna ka diggeen in gargaarka loo adeegsado, sida hub oo kale.
Netanyahu ayaa hoos u dhigay baaqa uga imanaya xulafadooda ugu muhiimsan ee dibadda ee dalbanaya in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Gaza iyo inaanan la xanibin kaalmada bani'aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.
Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa xukuumadda uu Netanyahu ugu hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah Israel, haddii aan xabad joojin laga samayn Gaza, lana fasixin gargaarka.
Netanyahu ayaa wax ceeb ah ku tilmaamay go'aanka ka soo baxay Ingiriiska ee lagu joojiyay wada hadaladii ganacsiga xorta ahaa ee labada dhinac. Sidoo kale wuxuu sheegay in bedelkii ay cunaqabateyn ku soo rogi lahaayeen Xamaas ay cunaqabateyn saareen haweeneyda lagu magacaabo Daniella Weiss, taas oo u ololeysa deegaameynta sharci darrada ah ee Israel ka waddo Daanta Galbeed iyo kicinta xiisadaha.
Haweeneydan ayaa ka mid ah shakhsiyaad uu Ingiriisku Talaadadii ku soo rogay cunaqabateyn, iyadoo laga jawaabayo ku lug lahaanshahooda deegaameynta Israel ka sameynayso Daanta Galbeed ee la haysto iyo hurinta rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa ku dhawaaqay in UK ay dib u eegis ku sameynayso wada shaqeyntii ay la lahayd Israel, isagoona masuuliyadda dusha kaga tuuray xukuumadda uu Netanyahu madaxda ka yahay.
Wasiirka ayaa sheegay in deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta ay ku fideen Daanta Galbeed, iyagoo taageero cad ka helaya buu yiri Dowladda Israel.
Netanyahu ayaa Ingiriiska iyo dowladaha kale ee soo hujuumaya ku eedeeyay in uu cadaadis kaga imanayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalalkooda ku nool.
Dalalka reer galbeedka ayaa Israel ku cadaadinaya, sidii xabad joojin degdeg ah looga samayn lahaa Marinka Gaza iyo sidii loo soo afjari lahaa deegaameynta Israel ee Daanta Galbeed.
Iyadoo Israel ay cadaadiskii ugu weynaa kala kulmeyso dunida ayuu Netanyahu ku amray Wasaaradda Difaaca in ay dardargeliso dagaalka uu sheegay inay ku burburinayaan kaabeyaasha Xamaas ee haray.