Netanyahu oo beeniyay in heshiis laga gaaray xabad joojinta Gaza
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa maanta beeniyay warar ay baahiyeen Warbaahinta gobolka oo sheegaya in la gaaray heshiis xabad joojineed.
Warbaahinta ayaa ku warantay in Israel iyo Xamaas ay ku heshiiyeen dhowr toddobaad oo xabad joojin ah, si loo dardargeliyo wada hadalada nabadda iyo qorshaha maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in haba yaraatee aanu jirin wax heshiis ah oo dhex maray iyaga iyo Xamaas.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in warkaasi uu yahay dagaal maskaxeed oo ka dhan ah Israel, isla-markaana ay wadaan Ururka Xamaas.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgalka militari Israel ee Gaza uu sii socon doono, illaa laga xaqiijiyo hadafyadii ay u weerareen Marinka Gaza.
Wafdiga Israel ee ku metelaya wada hadaladan ayaa maalin ka hor dib ugu laabtay Magaalada Doha, ka dib markii ay Axaddii ka taggeen.
Dib ugu soo laabashadooda Doha ayaa ka dambeysay, ka dib markii dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar, Masar iyo Mareykanka ay ka dalbadeen inay ku soo laabtaan.
Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa laga soo xigtay in ay jirto rajo wanaagsan oo ku aaddan in la gaari karo xabad joojin laga sameeyo Gaza, laakiin aan weli la gaarin wax heshiis ah.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa riixaya in la gaaro heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqangala Gaza iyo in dhinacyadu ay maxaabiista is dhaafsadaan.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa Talaadadii sheegay in ay sii deyn doonaan dhammaan maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza, haddii Israel ay aqbasho xabad joojin waarta oo ka dhacda Gaza, ka bixitaanka ciidamadeeda iyo sii deynta maxabbiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.