Netanyahu oo la kulmay la haysteyaashii lagu soo furtay hawlgalkii Gaza

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay afartii qof ee Sabtidii lagu soo furtay hawlgalka ay Ciidamada Israel ka sameeyeen xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Hawlgalka oo ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyay ayay Ciidamada Israel ugu suurtagashay in ay ku soo furtaan afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel oo la haysteyaasha la soo furtay kula kulmay Xarunta Caafimaadka ee Sheba ayaa bogaadiyay hawlgalka gaarka ah ee lagu soo samatabixiyay.

Raysal Wasaaraha oo intaasi ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay sameeyeen hawlgal cajiib ah.

“Israel waxa ay fulisay hawlgal cajiib ah oo lagu soo furtay afar la hayste oo Xamaas ay haysteen. Hawlgalkani waxa uu u baahday xariifnimo iyo geesinimo heerkii ugu sarreyay, askarteenana waxa ay sameeyeen qaab aan la qiyaasi karin." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go'an tahay in la soo sii daayo dhammaan la haysteyaasha kale ee weli ku jira gacanta kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay ku guuleysteen inay hawlgalka ku soo furtaan qaar ka mid ah la haysteyaashooda, balse sidoo kalena ay dileen tiro kale oo ka mid ah la haysteyaashii ay ku soo qafaasheen weerarkii 7-dii bishii October.

Xamaas ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay hawlgalkaasi ku dileen 210 qof oo Falastiiniyiin ah, in ka badan 400 oo kalena ay dhaawacmeen.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ay Ciidamada Israel ku soo furtaan xubno ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.