Pakistan oo hakisay hawlgalkii lagu soo xiri lahaa Imran Khan

Laamaha amniga ee Pakistan ayaa hakiyay isku daygoodii ahaa inay soo xiraan Raysal Wasaarihii hore ee dalkaasi, Imran Khan, si ay u fuliyaan amar maxkamadeed.

Talaadadii, ciidamada amniga iyo taageereyaashiisa ayaa ku dagaalamay meel ka baxsan xaruntiisa Magaalada Lahore, xilli ciidamadu ay doonayaan inay xabsiga soo dhigaan.

Wasiirka Warfaafinta ee Gobolka Punjab, Amir Mir ayaa sheegay in dowladdu ay dib u dhigtay tallaabadii lagu soo xiri lahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka, sababo ku aaddan tartanka ciyaaraha ee ka socda Magaalada Lahore.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada amniga aanay taggi doonin agagaarka hoyga Imran Khan, illaa iyo inta maalinta Axadda laga soo geba-gabeynayo tartankaasi.

Maxkamadda Sare ee Islamabad ayaa horaan u yeertay Imran Khan, si uu kaga jawaabo dacwad lagu soo oogay.

Khan ayaa wajahaya kiisas dacwado ah oo kaga furan maxkamadaha dalkaasi, tani oo ka careysiisay taageereyaashiisa, oo u arka mid dano siyaasadeed laga leeyahay.

Kiiska hadda loo haysto Mr. Khan ee kaga furan Maxkamadda Islamabad ayaa ah kiiska loogu yeero (saacadda), oo ah saacad hadiyad ah oo lagu eedeynayo in uu iibiyay.

Qareenkiisa ayaa sheegay in Khan uu imaan karo maxkamadda, si uu isku difaaco, balse uu walaac badani ka qabo amniga maxkamadda, oo sida uu ku andacoonayo aanan ahayn mid sugan, dowladduna ay dooneyso in ay xirto amaba ay disho, haddii sanadkii hore uu isku day dil ka badbaaday.

Taageereyaashiisa ayaa ku doodaya in siyaasiyiinta dowladda ay doonayaan in ay Khan ka reebaan doorashada bisha August ka dhaceysa dalkaasi, waxayna ku baaqeen in dacwaddiisa dib loo dhigo inta doorashadaasi ay ka qabsoomeyso.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya inay haystaan amar ay ku soo xiri karaan Raysal Wasaarihii hore, maadaama uu ku guuldareystay in uu horyimaado Maxkamadda Islamabad.

Diblomaasiyiinta shisheeye ayaa ka baqdin qaba, haddii xoog lagu soo xiro Khan in ay kaga sii darto xiisadda siyaasadeed ee dalkaasi, maadaama ninkani uu taageereyaal xoog leh ku dhex leeyahay dalkaasi.

Midowga Yurub oo sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda dalkaasi ayaa Xukuumadda Islamabad ugu baaqay inay ilaaliso nidaamkeeda dastuuriga ah iyo ballanqaadyada caalamiga ee la xiriira dimoqraadiyadda, sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

Khan oo ka tirsan Xisbiga PTI ayaa u ololenaya doorashada waqtigeeda laga soo hormariyay, si mar kale uu xukunka ugu soo laabto.

Khan ayaa sanadkii hore xukunka looga qaaday codka kalsoonida ee Baarlamaanka, wixii intaasi ka dambeeyayna waxaa tusbax go'ay oo kale noqday eedeymaha lagu soo oogayo.