Puntland oo sheegtay in la dilay in ka badan 70 nin oo Daacish ah
Puntland ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii saakay ay ciidamadeeda iyo maleeshiyada Daacish ku dhex maray Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyada Daacish ay weerar culus ku soo qaadeen fariisimaha ay Ciidanka Puntland dhawaan ka sameysteen inta u dhaxeyso deegaanada Haraaryo iyo Qurac ama Haraaryo iyo Dharin ee jiidda Tog-jaceyl ee bartamaha Buuraleyda Calmiskaad.
Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday mootooyin ay qaraxyo ku rakiban yihiin iyo baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ka dibna uu xigay dagaal toos ah, isagoona xusay in laba jiho laga soo weeraray ciidamada.
Afhayeenka ayaa VOA u sheegay in ciidamadu ay dileen in ka badan 70 nin oo ka tirsan maleeshiyadii soo weerartay fariisimahooda.
Dhanka kale General Faadhigo ayaa xaqiijiyay in dhankooda ay dagaalka kaga dhinteen 27 askari, halka 46 kalena ay kaga dhaawacmeen.
"Waxaan halkan uga tacsiyaynaya ciidamada geesiyaasha ah wixii dhintay, oo dalkooda iyo diintooda iyagoo difaacaya ee nimanka argagixisada ah ay u gaysteen." Ayuu yiri General Faadhigo.
General Faadhigo ayaa yiri "Ilaahay ha u naxariisto wixii dhintay, wixii dhaawacmayna ha u booga-dhayo."
Jananka ayaa intaasi ku daray "Ciidanku hawlgalkooda ayay sii wadan doonaan, illaa iyo ninka ugu dambeeya ay soo qabtaan, sida uu amarku ahaa ayay waajibaadka u gudanayaan."
Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee maalin qura dhex mara labada dhinac, tan iyo markii ay ciidamadu bilaabeen hawlgalka ciribtirka Daacish, 42 cisho ka hor.




