Puntland oo Warbaahinta ka mamnuucday furimaha dagaalka

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay awaamiir ay ogolaansho la'aan Warbaahinta kaga mamnuuceyso furimaha dagaalka ee Gobolka Bari, xilligan oo ciidamadeeda ay dagaal adag kula jiraan maleeshiyada Daacish.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa saaka soo saartay awaamiir Warbaahinta, Wariyeyaasha iyo dadka wax ku qora barraha bulshada loogu sheegayo inaysan tagi karin goobaha ay ciidamadu hawlgalka ka wadaan.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay inaanan cidina lagu soo casuumi karin jiidda dagaalka, haddii aan ogolaansho looga haysan.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay inaanan xitaa la baahin karin xogta dagaalka, oo aan laga helin ilaha uu maamulku ugu talagalay.
Warsaxaafadeedka oo afar qodob ka koobnaa ayay wasaaraddu ku sheegtay in aanan wax xiriir ah lala yeelan karin kooxaha argagixisada ee ka dagaalamaya Buuraleyda Calmiskaad.
Qodobada ayaa u qornaa:-
1: In aan la aadi karin furimaha dagaalka lagu la jiro argagixisada, iyadoo aan ogolaansho cad laga haysan Wasaaradda Warfaafinta.
2: In aan goobaha hawlgalada lagu casuumi karin cid aan ogolaansho looga hayn wasaaradda.
3: In aan la baahin karin xogta hawlgalka, oo aan laga helin ilaha rasmiga ah ee ay dowladdu ugu talagashay.
4: In aan wax xiriir ah lala yeelan karin kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya Buuraha Calmiskaad.
Wasaaradda ayaa sheegeysa in tallaabadan loo qaaday ilaalinta badqabka Wariyaha iyo xaaladda amni ee taagan.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, iyadoo hawlgalka buuraha aagga bari ee ay ciidamada kula dagaalamayaan Daacista Somaliya uu galay bishiisii labaad.