Qaramada Midoobey oo dhalleeceysay hawlgalka Israel ee Gaza

Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujisay hawlgalka Israel ee Gaza iyo is hortaaga ay ku sameynayso kaalmada bani'aadantinimo ee naf badbaadinta.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric ayaa Israel ku eedeeyay in ciidamadeeda ay si ku talagal ah u xanibayaan gargaarka bani'aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

"Khamiistii, keliya 10 ka mid ah 21 dhaqdhaqaaq bani'aadantinimo oo la qorsheeyay ayay fududeysay Israel. Toddobo ayaa si toos ah loo diiday, saddex waa la horjoogsaday, midna waxaa loo kansalay caqabadaha amniga iyo saadka awgood." Ayuu yiri Afhayeenka oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada New York.

Afhayeenka ayaa Israel ugu yeeray inay ogolaato in si degdeg ah oo ammaan ah ay gawaarida gargaarka u adeegsadaan waddooyinka, si gargaarka loo gaarsiiyo buu yiri goobaha caafimaadka ee la curyaamiyay.

Dujarric ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabada lagu carqaladeynayo gargaarka Gaza iyo shidaal la'aanta ka jirta isbitaalada yar ee hadda shaqeynaya ay khatar gelinayaan adeegyada naf badbaadinta.

Hay'adaha caalamiga ah ayaa si weyn uga walaacsan hawlgalka wejiyada badan leh ee Israel ka waddo Marinka Gaza ee halista ku ah dadka rayidka ah.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa walaac ka muujiyay saamaynta shidaalka sii yaraanaya ee ka jira Gaza oo dhan.

OCHA ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay saamaynta ay shidaal yarida ku yeelaneyso adeegyada muhiimka ah ee Gaza.

OCHA ayaa sidoo kale xoojisay digniinta ka soo yeertay Shirkadaha Isgaarsiinta Falastiiniyinta ee ku aaddan in adeegyadooda ay qarka u saaran yihiin inay istaagaan, haddii aan la qaadin xayiraadaha lagu hayo shidaalka.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa dhankeeda sheegtay in Isbitaalka Al-Awda oo hadda si gaabis ah uga shaqeynaya waqooyiga Marinka Gaza uu ka jiro shidaal yari iyo sahayda caafimaadka oo gabaabsi ka sii ah.

Hay'adda WHO ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay saddex bilood ka hor bilaabeen inay si adag u go'doomiyaan Beit Lahiya, Beit Hanoun iyo xerada qaxootiga Jabalia, isla-markaana ay halkaasi ka jirto xaalad adag oo bani'aadantinimo.

Hay'addu waxay sheegtay in go'doominta daran ee Israel ay caqabad ku noqotay in sahayda dawada iyo qalabka caafimaadka la geeyo Isbitaalka Al-Awda.

"Isbitaalka Al-Awda waxaa buux-dhaafiyay bukaano." Ayay hay'addu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Bayaanka ayaa lagu yiri "Xaaladdu way ka sii dartay, ka dib markii si khasab ah loo xiray Isbitaalada Kamal Adwan iyo Indonesian ee waqooyiga Gaza, sababo la xiriira weerarada soo noqnoqday ee Ciidamada Israel iyo daadgureyntooda khasabka ah."

WHO waxay sheegtay inay awoodi weyday in ay si caadi ah u maareyso sahayda caafimaadka ee la doonayo in la geeyo waqooyiga Gaza, si wax lagaga qabto xaaladda dadka u baahan daryeelka caafimaadeed. WHO waxay kaloo sheegtay inay ku adkaatay inay si caadi ah u qiimeyso waxyeelada soo gaartay Isbitaalka Kamal Adwan, oo Ciidamada Israel ay gubeen 27-kii bishii December.

"Waddooyinka burbursan iyo marin la'aanta Israel ayaa ka dhigtay mid aan si ammaan ah loo gaari karin isbitaalada ay waxyeeleysay." Ayaa lagu yiri bayaanka WHO.

Diyaaradaha dagaalka Israel ee sida joogtada ah duqaymaha uga gaysaneyso Marinka Gaza ayaa beegsanaya kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey, haddii ay isku dayaan in amar la'aan ay gargaarka ku gaarsiiyaan goobaha ugu baahida badan. Mararka qaarkood baabuurta hay'adaha caalamiga ah ayaa lagu weeraraa waddooyinka, iyagoo fasax ka haysta Militariga Israel.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa ku hanjabay inay kordhin doonaan weerarada ay ka wadaan qaybaha Gaza oo idil.

Taliyaha ayaa Talaadadii ku celiyay inaysan joojin doonin ololahooda militari ee Gaza, illaa iyo inta ay ka soo furanayaan maxaabiista looga haysto, lagana burburinayo Xamaas, balse ma sheegin haddii ay wax ka bedelayaan qaabka dagaalkoodan.

Mar kasta oo Israel ay sii waddo weeraradeedan aan kala sooca lahayn, waa mar kasta uu kordhayo khasaaraha shacabka aan hubeysneyn, oo ay ku jiraan shaqaalaha hay'adaha caalamiga ah iyo cawaaqibka ba'an ee ka dhalanaya go'doominteeda guud ee Gaza.

Dilka iyo gaajeysiinta dadka rayidka, burburinta guryaha iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha ayaa dhaliyay walaac caalami ah.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa sheegay in hawlgalka militari ee Israel uu gebi ahaanba liddi ku yahay sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.

Ciidamada Israel ayaa Gaza ugu duulay burburinta Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel.

Hawlgalka ballaaran ee Israel ayaa hadafkiisii hareer maray, ka dib markii ciidamadeeda ay bilaabeen inay si indha ah u bartilmaameedsadaan xaafadaha shacabka, shaqaalaha samafalka, Xarumaha Qaramada Midoobey iyo inay gaajeysiinta shacabka u adeegsadaan, sida hub oo kale.

Tani waxay keentay in Israel ay cambaareyn is daba joog ah kala kulanto dunida, oo si weyn uga hortimid qaabka ay u fulineyso hawlgalka ay sheegtay in ay xididada ugu siibeyso Xamaas.