Qaramada Midoobey oo jawaab aan la arkin ka bixin karta mamnuucidda Israel ee UNRWA

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa saacadihii dambe ee Talaadadii warqad u qoray Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, si xukuumaddiisu ay uga laabato sharciyada lagu mamnuucay Hay'adda UNRWA.

Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa habeen hore meelmariyay laba hindise sharciyeed, oo sharci ka dhigaya inaysan UNRWA ka shaqeyn karin Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Israel.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Raysal Wasaaraha Israel ugu baaqay inaysan xukuumaddiisu dhaqangelin sharciga lagu wiiqayo howlaha hay'addaasi.

Xoghayaha ayaa sheegay inaanan hadda la bedeli karin Hay'adda UNRWA, maadaama xaaladda gobolka ay tahay mid aad u cakiran, ayna tahay inay shaqadeeda sii wadato, haddii ay tahay hay'ad ay Qaramada Midoobey leedahay.

Xoghaye Guterres ayaa xusay in sharcigu uu uga sii darayo masiibada bani'aadantinimada ee muddada dheer ka jirta Marinka Gaza, kana dhalatay go'doominta daran ee Israel iyo is hortaaga ay ku hayso kaalmada bani'aadantinimo

Dhanka kale Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta go'aanka ay Israel ku mamnuucday shaqada ay hay'addu u hayso shacabka Falastiin.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in warqadda uu Guterres u qoray Netanyahu ay Israel xusuusineyso waajibaadka ka saaran ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobey iyo ixtiraamka xeerarka caalamiga.

"Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu carabka ku adkeeyay in Hay'adda UNRWA ay tahay habka ugu muhiimsan ee kaalmeynta lagama maarmaanka u ah Falastiiniyiinta ku sugan dhulka la haysto ee Falastiin. Ma jirto wax lagu bedeli karo hay'adda." Ayuu yiri Afhayeenku.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Waxaan ugu baaqayaa Israel in ay si joogta ah ugu dhaqanto waajibaadkeeda hoos yimaada Axdiga Qaramada Midoobey iyo waajibaadka kale ee hoos imanaya sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kuwa khuseeya dhawrsanaanta Qaramada Midoobey. Sharciga qaranku ma bedeli karo waajibaadkaas."

Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in sharcigu uu halis ku yahay jiritaanka Qaramada Midoobey, isla-markaana ay Israel la kulmi karto inay weyso xubinimadeedii Qaramada Midoobey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Israel Katz ayaa la sheegay in goor sii horreysay uu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay meelmariyaan hindise sharciyeedyada lagu joojinayo shaqada UNRWA.

Wararka ayaa sheegaya in Xoghaye Guterres iyo xafiiskiisuba ay u ololeyn karaan in Israel laga joojiyo xubinimadeedii Qaramada Midoobey, illaa iyo inta ay u hoggaansameyso shuruucda caalamiga ah.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ee laga wareysanayo Warbaahinta caalamiga ah ayaa si aan looga baran u dhalleeceynaya Israel, waxayna si isku mid ah ay uga digayaan in la dhaqangeliyo sharcigaasi.

Afhayeenka Hay'adda UNRWA, Juliette Touma ayaa su'aal ka keentay, sida dal xubin ka ah Qaramada Midoobey uu u carqaladeyn karo waajibaadka mid ka mid ah Hay'adaha Qaramada Midoobey, weliba xilligan oo si weyn loogu baahi qabo adeegyada ay bixiso.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa wax aan macquul ahayn ku tilmaamay tallaabada ay Israel ku joojineyso hawlgalada muhiimka ah ee UNRWA.

Borrell ayaa Israel uga digay in ay carqaladeyso bixinta adeegyada UNRWA ee dhulka Falastiiniyiinta.

Xiriirka Qaramada Midoobey iyo Israel ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay, ka dib markii Qaramada Midoobey ay horey uga hortimid qaabka ay Israel u waddo ololaheeda militari ee Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa marar fara-badan cambaareysay xadgudubyadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Israel oo ka carootay cambaareynta Qaramada Midoobey ayay ciidamadeeda ay Gaza ku dileen 230 ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda UNRWA, si colaad loogu muujiyo Qaramada Midoobey. Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xitaa burburiyay inta badan xarumihii ay Qaramada Midoobey ku lahayd Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa dilka shaqaalaheeda ku tilmaamtay khasaarihii ugu weynaa ee ay ebid la kulmaan shaqaalaha gargaarka, waana shaqaalihii ugu badnaa ee ka tirsan Qaramada Midoobey ee lagu dilo goob qura, muddo sanad gudaheed ah.

Guterres iyo kooxdiisa ayaa la sheegaya in hadda ay ka dhur-sugayaan jawaabta Israel, ka hor inta aysan qaadin tallaabooyin ay dunida kaga dalbanayaan in lagu ciqaabo maamulkaasi, iyadoo laga jawaabayo halista ay gelinayaan nolosha 2.3 milyan oo qof oo ku nool Marinka Gaza.

Taageero kasta oo Qaramada Midoobey ee dunida ka hesho ayaa u suurtagelineysa in jawaabteedu ay noqoto mid xoogan, waxayna taasi Israel ka dhigeysaa dowlad go'doon ah. Waxay kaloo noqonaysaa mid aysan Israel horey ula kulmin iyo cawaaqibkii ugu xumaa ee ay siyaasad ahaan wajahdo, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu weyn ee Israel ku difaaca siyaasad iyo militari ahaan ayaa xitaa ka horyimid sharciga ka dhanka ah Hay'adda UNRWA.