Qaramada Midoobey oo soo saartay warbixin ka dhan ah Israel
Qaramada Midoobey ayaa soo saartay warbixin lagu sheegay in Israel ay waddo qorshe ay si guud ugu curyaamineyso nidaamka daryeelka caafimaadka ee Marinka Gaza, oo ay ku jiraan weerarada ula kaca ah ee ka dhanka ah shaqaalaha caafimaadka iyo kaabeyaasha rayidka, sida isbitaalada, isla-markaana ay labaduba yihiin dembiyo dagaal, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobey.
Navi Pillay oo ka tirsan Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in baaritaan madaxbannaan lagu ogaaday in Israel ay waddo siyaasad guud oo lagu burburinayo hannaanka caafimaadka ee Gaza.
"Tani maaha ka warbixinta waxa aan ku aragno barraha bulshada, laakiin waa xisaab si taxadar leh loo hubiyay oo ku saabsan burburinta isbitaalada iyo beegsiga ula kaca ah ee dhakhaatiirta." Ayay tiri Navi Pillay.
Haweeneydan oo sidoo kale xubin ka ah Guddiga Qaramada Midoobey U Qaabilsan Baaritaanka Dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ayaa sheegtay in beegsiga ka dhanka ah dhakhaatiirka iyo burburinta isbitaalada ay yihiin dembiyo dagaal.
"Tani waa warbixintii ugu horreysay ee Qaramada Midoobey ay ka soo saarto, waxa ka jira beegsiga ula kaca ah ee shaqaalaha caafimaadka iyo nidaamka daryeelka caafimaadka." Ayay sii raacisay Navi Pillay.
Haweeneydan ayaa intaasi ku dartay "Israel waxay adkeynaysaa in la baaro weeraradeeda halista ah, iyadoo u diideysa inay galaan baareyaal madaxbannaan."
Warbixintan ayaa xoojineysa dacwaddii Koonfur Afrika ay horaan u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ, kuna saabsaneyd inay baaritaan ku sameyso dembiyada ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Beegsiga dadka rayidka ah oo shaqaalaha caafimaadka ay ku jiraan iyo burburinta kaabeyaasha dadweynaha ayaa ah dembi dagaal, sida ku cad sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.
Dhanka kale Midowga Yurub cambaareeyay tallaabada ay Israel ku mamnuucday shaqada Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).
Midowga Yurub ayaa sheegay in illaa iyo inta xal waara loo helayo colaadda Gaza uu waajibaadka UNRWA sii ahaan doono mid muhiim ah.
Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa Isniintii ansixiyay laba hindise sharciyeed, oo sharci ka dhigaya inaysan UNRWA ka shaqeyn karin Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Israel. Ujeedka ayaana ah mid ay Israel uga sii dareyso xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Marinta Gaza.
Ku dhaqan la'aanta Israel ee xeerarka caalamiga ah ayaa sharciga caalamiga ah ee bani'aadntinimada ka dhigay mid aan difaaci karin dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Marka la helo bani'aadantinimada ayay jiri kartaa bani'aadantinimo iyo inay bani'aadantinimadu sarreyso.
Dunida waxay ka martiqaati kaceysaa in waxa ka socdaa Gaza ay yihiin dembi dagaal, Israel-se taasi ma ogola.