Raysal Wasaaraha Israel oo Benny Gantz ugu baaqay inuusan ka bixin xukuumadda 

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada ee dagaalka ugu baaqay inaanu ka bixin xukuumadda wadaagga ah, ka dib markii lagu guuleystay in la soo badbaadiyo afar ka mid ah la haysteyaasha.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in la joogo waqtigii midnimada ee aan la joogin waqtigii la kala qaybsami lahaa, si aan u wajahno buu yiri howlaha waaweyn ee ina horyaalla.

"Waqtigan waa waqtigii midnimada ee maaha waqtigii la kala qaybsami lahaa. Waa inaan midownaa dhexdeenna, si aan u wajahno howlaha waaweyn ee ina horyaalla." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa Benny Gantz ku adkeeyay inuusan ka tagin xukuumadda, waxaana uu yiri "Waxaan ugu baaqayaa Benny Gantz inuusan ka tagin dowladda."

Benny Gantz ayaa 18-kii bishii May ku hanjabay in uu ka bixi doono xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu, haddii aysan wax qorshe ah ka yeelan dagaalka Gaza iyo Israeliyiinta lagu haysto.

Ninkan ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu ku miigan yahay uun sii socoshada dagaalka, iyadoo aysan jirin wax qorshe ah, xilli sida uu muujiyay uu jiro dhiigbax ku socda ciidamadooda, wuxuuna ku goodiyay Xisbigiisa Dhexe uu kala bixi doono xukuumadda la wada leeyahay, haddii aysan 8-da bisha June oo shalay ku beegneyd la iman qorshe cad oo kaga aaddan dagaalka aan natiijada lahayn.

Gantz ayaa si lama filaan ah u baajiyay shir jaraa'id oo la qorsheeyay, laguna waday in fiidnimadii xalay uu kaga dhawaaqo in xisbigiisa uu kala baxay xukuumadda.

Gantz ayaa bogaadiyay hawlgalka ay Ciidamada Israel ku soo furteen dadkaasi, isagoona sheegay in caqabadaha ay Israel wajaheyso ay weli yihiin kuwo taagan.

"Iyada oo ay wehliso farxadda saxda ah ee guusha, waa inaan xusuusanaa in dhammaan caqabadaha Israel ay wajaheyso ay weli sidoodii yihiin." Ayuu yiri Gantz oo hadlayay daqiiqado uun ka dib baaqa uga yimid Netanyahu.

Gantz ayaa intaasi ku daray "Waxaan u sheegayaa Raysal Wasaaraha iyo dhammaan madaxda, maanta waa inaan si masuuliyad ku dheehan tahay uga fiirsanaa, sida ugu habboon, uguna macquulsan inaan halkan uga dhaqaaqno."