Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Doolow ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Raysal Wasaaraha ayaa u kuurgelaya xaaladda bani'aadantinimo ee ka dhalatay roobabka ka da'aya dalka, oo sababay in daadad ku soo rogmadaan degmadaasi, sidoo kalena uu Webiga Jubba ku fataho.

Raysal Wasaaraha ayaa Doolow kaga dhawaaqay in Dowladda Soomaaliyeed ay sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisi doonto Buundooyinka Degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq, si loo soo celiyo amniga, nolosha iyo isu socodka bulshada gobolka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ballanqaaday in safaro kale uu ku iman doono magaalooyinka kale ee gobolka.

Roobabka xoogan ee xilligan ka da'aya Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ayaa dhaliyay in daadad ku soo rogmadaan magaalooyinka qaarkood, sidoo kalena ay fatahaado ka gaystaan Webiyada Jubba iyo Shabelle.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa mar sii horreysay sheegtay in maalmaha soo socdo la filayo in ay kordhaan roobabka ka da'aya dalka ee ka dhashay isbedelka cimilada, ayna sababtay duufaanka El-nino.