Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo la kulmay Guddiga Adeegga Xajka

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Adeegga Xajka, ka dib markii uu kormeeray Xarunta Wasaaradda Diinta & Awqaafta.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa 6-dii bishan magacaabay Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka, Mukhtaar Roobow Cali, waxayna shaqadoodu tahay inay tartan geliyaan shirkadaha doonaya inay u adeeggaan Xujeyda.

Raysal Wasaaraha ayaa xubnahaasi oo uu wehliyo Wasiir Roobow ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-goynta qiime aan culeys ku noqonayn shacabka doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan,

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go'an tahay in si hufan oo daahfuran loo maamulo adeegga Xajka, iyadoo loo caddaalad sameynayo ganacsatada iyo Xujeyda Soomaaliyeed.