Raysal Wasaare Barre oo ku biiray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo ka soo laabtay shirka sanadlaha ee Bankiga Horumarinta Afrika oo uu kaga qaybgalay Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar ayaa maanta ku biiray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maalintii afaraad ka socdo Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa lagaga hadlaya wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta, dhameystirka dayn-cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa waxaa Khamiistii ku biiray Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka oo uu shir guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana ka maqan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo aan shirkan iyo kii ka horreyay ee ka dhacay Magaalada Baydhabo, midna ka qaybgelin.