Raysal Wasaare Netanyahu oo la hadlay qoyska Liri Albag
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay qoyska Liri Albag, ka dib markii Xamaas ay soo bandhigtay muuqaal muujinaya in gabadhaasi ay nooshahay.
Raysal Wasaaraha ayaa la xiriiray waalidiinta gabadhaasi, isagoona u sheegay in uu ka damqaday dhibaatada lagu hayo.
"Raysal Wasaaraha ayaa qoyska u sheegay in uu ka damqaday dhibaatada lagu hayo Liri iyo dhammaan la haysteyaasha kale." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
Warsaxaafadeed ayaa lagu yiri "Raysal Wasaaruhu wuxuu u sheegay in Israel ay sii wadeyso inay ka shaqeyso, sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen Liri iyo dhammaan dadka kale ee la haysteyaasha ah."
Netanyahu ayaa qoyska u xaqiijiyay in hadda ay socdaan dadaalada maxaabiista dib loogu soo celinayo guryahooda.
Liri Albag ayaa ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, waxayna ka soo hareen la haysteyaashii lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii ee 2023.
Maxaabiista qaarkood ayaa lagu sii daayay heshiis maxaabiis is dhaafsi oo Israel iyo Xamaas dhex maray daba-yaaqadii bishii November ee sanadkaasi.
Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa soo bandhigay fiidiyow ay ka soo muuqatay Liri Albag oo mid cusub ah, waana xilli muddooyinkan la tuhunsanaa in ay ka mid tahay maxaabiista sida khaldan ugu dhintay duqaymaha ay Israel ka waddo Marinka Gaza.
Nolosheeda ayaa waxaa si weyn ugu farxay qoyskeeda iyo Guddiga Qoysaska Maxaabiista, iyadoona guddigu uu sheegay in nolosha gabadhaasi ay rajo badan gelisay.
Guddiga ayaa shacabka Israel ugu baaqay in ay ka qayb qaataan mudaaharaad weyn oo haatan ka socdo Magaalooyinka Israel, oo xukuumadda looga dalbanayo in ay ogolaato hindisaha maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.