Raysal Wasaare Xamse oo daahfuray Imtixaanka Shaqaaleysiinta Saddex kun oo Macalin

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shaqaaleysiinta Saddex kun oo Macalin, oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare.

Raysal Wasaaraha oo kormeeray goobaha lagu qaadayo imtixaanka, oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macalimiin ah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ahmiyadda koowaad siineyso, sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo saddex milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho.

Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda imtixaankan ayuu Raysal Wasaaruhu uga mahadceliyay dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka.

Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada oo ka kala dhacaya 22 goobood oo ku yaal 11 magaalo oo dalka ah ayaa waxaa u fariistay 8 kun macalin.

Raysal Wasaare Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaare Barre ayaa faray Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Waxbarashada in ay iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi.