Rita Laranjinha oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho

Rita Laranjinha oo ah Wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan dalalka ka soo hooseeya Saxaraha Afrika iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta wafdigaasi ku qaabilay xafiiskiisa, isagoona kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

"Kulanka ayaa waxaa looga hadlay, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya labada dhinac ee Somaliya iyo Midowga Yurub." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka iyo diblomaasiyiinta Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay Caasimadda Muqdisho.