Ruushka oo weerarkii ugu weynaa ku hayo Magaalada Kharkiv

Ruushka ayaa si aan looga baran u hujuumaya gobolka waqooyi bari Ukraine ku yaala ee Kharkiv, ka dib markii ay kordheen weerarada halkaasi uga imaanaya deegaanada dalkiisa ee ku dhow dhow xuduudda.

Militariga Ruushka ayaa 10-kii bishan u qalab qaatay hawlgalkooda militari ee Kharkiv, iyadoona ay horumar ka sameynayaan aagagga ay isku dhacyadu ka jiraan.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa qoreysa in Ciidamada Ruushka ay u muuqdaan kuwo si dardar leh ku socdo, isla-markaana ay qabsadeen deegaano badan oo ku yaala gobolka, gaar ahaan dhulka dhirirsan ee dhaca xuduudda Ruushka.

Wakaaladda Wararka AFP ayaa ku warantay in Ciidamada Ruushka ay qabsadeen maalmihii la soo dhaafay dhul dhan 278km, tanina ay noqonayso guushii ugu weyneyd ee ay Moscow ka gaarto dagaalka Ukraine, tan iyo bishii December ee sanadkii 2022.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ruushka ay hadda fariisimo ka sameysteen Magaalada Vovchansk oo ku dhow xadka labada dal. Vovchansk ayaa la sheegay in ay ka dhaceen dagaalo lagu riiqmay.

Duulaanka cusub ee Ruushka ayaa la soo sheegaya in uu gaysanayo burbur baahsan, waxayna tani walaac xoogan ku haysaa dadka deegaanka.

Tobanaan kun oo qof ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen colaadda dib uga soo cusboonaatay jiidda waqooyi ee Ukraine.

Bambaanooyinka la haggo ee ay tuurayaan diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa gobolka ka gaysanaya burburka ugu badan.

Saraakiisha Ciidamada Ukraine ayaa Ruushka ku eedeeyay in ciidamadiisu ay beegsanayaan kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan dhismayaasha la degan yahay, isla-markaana ay dilayaan dadka shacabka ah. Aqalka Kremlin-ka ayaana eedeymahaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

Ukraine oo bilowgii duulaanka qayb ka mid ah ciidamadeeda kala baxday deegaanada qaar ee Kharkiv ayaa maalmo ka dib bilowday in ay dib ugu celiso, si ay u joojiyaan horumarka uu Ruushku ka sameynayo dagaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliska Militariga Ukraine uu wado qorsheyaal ay ciidamada ku xakameynayaan duulaanka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu doonayo in Kharkiv uu ka dhigo meel burbursan.

Madaxweynaha Ukraine ayaa baajiyay dhammaan safaradii dibadda ee la qorsheeyay, ka hor duulaanka Ruushka ee Kharkiv.

Madaxweyne Zelenskyy oo Khamiistii booqday Kharkiv ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ku guuleysteen in qayb ahaan ay hakiyaan horumarka Ruushka uu ka sameynayo duulaankiisan.

"Xaaladda Gobolka Kharkiv, si kastaba ha-ahaatee weli waa mid aad u adag." Ayuu yiri Madaxweyne Zelenskyy.

Guulaha Ruushka uu ka gaarayo dagaalkan ayaa wiiqaya isku dayadii ay Ukraine ku dooneysay in ay dib ugu qabsato dhulkii horey looga la wareegay ee bariga dalkaasi.

Hawlgalkan ayaa weji kale u yeelaya colaadda dalkaasi, iyadoona kordhinta Ruushka ee weeraradiisa uu bannaanka keenayo ciidan yarida haysata Ukraine iyo taag-darida dowladda dalkaasi ee xulafada la ah reer galbeedka.

Duulaanka Ruushka ee xowliga ku socdo ayaa imanaya, ka gadaal markii uu dib u dhac ku yimid kaalmadii militari ee joogtada ahayd ee Mareykanka uu siinayay Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Arbacadii ku dhawaaqay laba bilyan oo dollar oo hub lagu siinayo Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Si kastaba ha-ahaatee hawlgalka Ruushka ee Kharkiv ayaa u muuqdo mid Ciidamada Ukraine lagaga fogeynayo joogitaankooda aagga xuduudda.

Weerarkan uu Ruushku ku hayo gobolka ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee uu ka gaysto waqooyi bari Ukraine, tan iyo markii uu ku duulay dalkaasi, 24-kii bishii February ee sanadkii 2022.