Sacuudiga iyo Iran oo ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

Dowladaha Sacuudiga iyo Iran ayaa Jimcihii ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, ka dib muddo 7 sano ah oo aanay wax cilaaqaad ah yeelan.

Labada dowladood ayaa sidoo kale hirgelin doona heshiisyo iskaashi, iyagoona yeelan doona wada hadalo ay ku xoojinayaan xiriirkooda.

Sidoo kale dowladahan ayaa ku heshiiyay inay muddo laba bilood gudahood dib ugu furtaan Safaaradahooda.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii labada dhinac ay Magaalada Beijing ku yeesheen shir uu Shiinuhu garwadeen ka ahaa.

Kulankooda Caasimadda Beijing ayaa waxaa ka soo muuqday La taliyaha Amniga Qaranka Sacuudiga, Musaad bin Mohammed al-Aiban iyo Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Iran, Ali Shamkhani, oo uu weheliyo Wang Yi, oo ah diblomaasiga ugu sarreya Shiinaha.

Tehran iyo Riyadh ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay doorkeeda ku aaddan dhexdhexaadintooda.

Dalalkan ayaan wax xiriir ah yeelan, tan iyo sanadkii 2016, markaas oo dad careysan ay weerareen Safaaradda Sacuudiga ee Caasimadda Tehran, dabna ay qabadsiiyeen, ka gadaal markii Sacuudigu uu xukun dil ah ku fuliyay wadaad Shiico ahaa.

Iran iyo Sacuudiga ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kala taageerayay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen, taa oo xaaladda dalkaasi kaga sii dartay.