Shacabka Falastiiniyiinta oo dib ugu laabanaya Khan Yunis

Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan deegaanka koonfurta Gaza ku yaala ee Khan Yunis.

Dadku waxay dib ugu laabanayaan guryahoodii la burburiyay, ka dib markii Ciidamada Israel ay Axaddii isaga baxeen deegaankaasi.

Ciidamada Israel ayaa isaga baxay deegaankan, iyagoo si weyn u burburiyay guryihii la deganaa iyo xarumaha danta guud, sida isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo masaajida.

Ciidamada Israel ee ka baxay deegaankaasi ayaan xaqiijin yoolkii ay u weerareen, oo ahaa inay gacanta ku soo dhigaan Saraakiisha Ururka Xamaas, oo sida ay Israel sheegtay ku dhuumaaleysanaya godad dhulka hoostiisa ah oo halkaasi ku yaala.

Horaan, Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in qabshadaha Khan Yunis ay muhiim u tahay dagaalka ay ku doonayaan in ay xididada ugu siibaan Xamaas.

Taliska Militariga Israel ayaa xitaa ku fashilmay in ciidamadooda ay si toos ah isugu xirmaan Khan Yunis illaa Deir al-Balah oo ku taala bartamaha Gaza, ka dib dagaalo faraha looga gubtay oo tan iyo bishii December ka socday Khan Yunis.

Dadku waxay hadda ku laabanayaan Khan Yunis, iyada oo aan laga maqleynin daryanka sawaxanka ee hubka noocyadiisa kala duwan, oo billihii la soo dhaafay uu caan ku noqday deegaankaasi.

Is bedelka ugu weyn ee haatan ka jira deegaanku waa inay dadku si nabad ah ugu laabanayaan iyo xoogaga wax iska caabinta oo u haray.

Khan Yunis waa deegaanka ugu weyn ee ku yaala koonfurta Marinka Gaza, waana deegaanka isku xira cirifka koonfureed iyo bartamaha Gaza.