Shariif Sheekh Axmed oo qaabilay Gudoomiyeyaashii Gobolka Banaadir ee xilka banneeyay

Madaxweynihii hore ee Somaliya ahna Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay labadii gudoomiye ee Gobolka Banaadir ee ugu dambeeyay, isla-markaana xilka wareejiya.

Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Yuusuf Xuseen Jimcaale  (Madaale) iyo Maxamed Axmed Amiir ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka, muranka ka taagan Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo jihada uu dalka aadayo, marka uu dhammaado muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Waxaa maanta salaan sharafeed iigu yimid Gudoomiyeyaashii hore ee Gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaana labada guddoomiye iska wareysanay xaaladda guud ee dalka, midda caasimadda, doorashooyinka lagu muransan yahay ee degmooyinka Xamar iyo jihada uu dalku aadayo, maadaama muddo shan bil ah ay ka hartay muddo xileedka hay’addaha dastuuriga ee dowladda." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Madaale iyo Amiir ay ka arrinsadeen, sidii ay uga wadashaqayn lahaayeen in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay iyo in hoggaanka si nabad ah loogu kala wareego.

"Waxaa kale oo aan labada guddoomiye ka wada hadalnay, sidii aan uga wadashaqayn lahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay, isla-markaana hoggaanka loola kala wareego si nabad ah." Ayuu yiri Shariifka oo warkan ku sheegay bartiisa barraha bulshada.

Kulankan ay Madaale iyo Amiir la yeesheen Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa ka tarjumaya, sida ay u sii kala fogaanayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda, oo billo ka hor ay aad isugu dhawaayeen.

Madaale ayaa dhawaan dhalleeceeyay Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, ka dib markii Xasan Xuseen Maxamed (Muungaab) oo hadda ku magacaaban Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu bishii November ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan kursiga Duqa Muqdisho ee Doorashada Golaha Deegaanka ee caasimadda.

Madaale ayaa ku andacooday in horey loogu heshiiyay in uu isagu noqon doono Musharaxa Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka kaga qaybgelaya doorashadan, taas oo uu muujiyay in hadda looga baxay.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo Madaxweyneyaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni & Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu wadaa in bishan ay shir ku yeeshaan Magaalada Kismaayo.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa la fahamsan yahay in ay martiqaad u dirtay Ururada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood, si go’aan looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda dalka iyo in Dowladda Federaalka lagu cadaadiyo in ay aqbasho in doorashada dalka ay noqoto mid heshiis lagu yahay.

Shirkan ayaa u furan cid kasta oo mucaaradsan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada dalka, oo khilaaf weyn uu ka taagan yahay.