Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo warmurtiyeed laga soo saaray

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo maalmahaanba uu shir uga socday Magaalada Muqdisho ayaa shirkooda ka soo saaray warmurtiyeed ka kooban 5 qodob.

Golaha ayaa bogaadiyay gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka, ay tahay in maleeshiyadaasi lagaga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin dalka.

Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay hannaanka dayn-cafinta dalka oo maraya marxalad heer geba-gabo ah, iyagoona isla gartay in dhameystirka hannaanka dayn-cafinta dalka uu yahay mudnaan qaran.

Golaha ayaa ka heshiiyay hannaanka doorashooyinka dalka, sida nooca doorashada, deegaan doorashada, nidaamka madaxtinimada, nidaamka xisbiyada, mideynta xilliga doorashooyinka iyo maamulka doorashooyinka.

Golaha ayaa xaabad joojin degdeg oo bilaa shuruud ah ugu baaqay Somaliland iyo shacabka Gobolka Sool, isla-markaana ay isugu yimaadaan wada hadal nabadeed, wuxuuna hay'adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ugu baaqay in ay gargaarka gaarsiiyaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi ee gurmadka bani'aadanimo u baahan.

Sidoo kale Golaha Wadtashiga Qaran ayaa ugu baaqay hay'adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha samafalka in ay gargaar degdeg ahi gaarsiiyaan dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha webiyada dalka.

Golaha ayaa ugu dambayn bogaadiyay doorashadii qofka iyo codka ahayd Goleyaasha Deegaanka ee Khamiistii ka qabsoomtay 30 ka mid ah degmooyinka Puntland, waxaana uu ku baaqay in deegaanada aanay weli ka qabsoomin doorashadaasi in si nabdoon ay uga dhacdo.