Somaliya iyo Uganda oo ku heshiiyay xoojinta iskaashiga amniga

Dowladaha Somaliya iyo Uganda ayaa ku heshiiyay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka, ka dib kulan ay labada Madaxweyne ku yeesheen Magaalada Kampala.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii gaaray Kampala ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi Yoweri Museveni.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweyne Museveni.

"Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Somaliya iyo Uganda." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kulanka labada Madaxweyne uu ka soo baxay:-

1. Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka, iyadoo la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

2. Taageerada Ciidamada Amniga Somaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.

3. Soo dhaweynta xubinimada cusub Somaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo metelaadda Somaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee sanadaha 2025-2026.

4. Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Somaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Somaliya inay si buuxda ula wareegto masuuliyadda amniga qaranka.

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ku yaboohay Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee markii hore la oran jiray AMISOM, balse markii dambe la magac-baxay ATMIS.

Waqtiga ATMIS ayaa ku eg 31-ka bisha December ee sanadkan, waxaana lagu wadaa in 1-da bisha January ee sanadka soo socda lagu bedelo AUSSOM.

Militariga Uganda ayaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan hawlgalka cusub Midowga Afrika ee AUSSOM (Hawlgalka Taageerada & Xasillinta ee Somaliya), iyadoona tan iyo bishii March ee sanadkii 2007 ay Ciidamada Ugamda ku sugan yihiin dalka.

Hawlgalka AUSSOM ayaa Dowladda Federaalka looga taageerayaa la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo xaqiijinta nabadgelyada dalka.