Somaliya oo mar kale digniin ka soo saartay fatahaado iyo daadad la filayo inay dalka ka dhacaan

Hay’adda Maareynta & Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa xalay soo saartay digniin cusub, oo ku aaddan in meelo ka mid dalka ay toddobaadkan ka dhici karaan fatahaado iyo daadad.

Hay’adda Maareynta & Masiibooyinka Qaranka ayaa digniinteeda ku sheegtay inay aad u sarreyso suurtagalnimada in isbuuca ugu dambeeya ee bishan April ay dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaada webiyada iyo togaga soo rogmada.

SODMA ayaa sheegtay in uu sare u kacayo jooga biyaha webiyada, taasoo ay ugu wacan tahay roobabka ka da'aya qaybo ka mid ah dalka iyo weliba dhulka buuraleyda ee Itoobiya.

"Kuwaas oo aad u saamayn doona qaar ka mid ah degmooyinka dalka, sida Jowhar, Beledweyne, Buulo Burde, Luuq, Doolow iyo qaarka kale oo webiga uusan marin." Ayaa lagu yiri digniinta.

Digniinta ayaa lagu sheegay "Degmooyin ka mid ah Gobolada Baay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa aad u sarreysa suurtagalnimada ah in fatahaado ka dhaca ay saamayn doonaan nolosha iyo hab nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaasi.

Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka iman karta fatahaadda webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan. Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha Webiyada Shabelle iyo Jubba, taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qaybo ka mid ah dalka iyo buuraleyda Itoobiya."

Hay'adda SODMA ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinkaasi ugu baaqday in ay iska ilaaliyaan togaga biyuhu maraan, xilliga uu roobku da'ayo. 

SODMA ayaa bulshada ku adkeysay in ay ka feejignaato saamaynta roobabka gu'ga ku yeelan karaan naftooda iyo hantidoodaba, isla-markaana aysan guryo ka dhisan meelaha biyo mareenka ah.

Shacabka ku dhaqan webiga hareerihiisa ayaa iyana lagu la taliyay in ay carro-tuur ku buuxiyaan meelaha ay u arkaan in webiga uu ka jabsan karo, si loo yareeyo saamaynta khatarta fatahaadda.

Somaliya ayaa waxaa bishii November ku dhuftay fatahaado iyo daadad ay sababeen roobab waaweyn oo dalka ka da'ay, oo sida la sheegay ka dhashay isbedelka cimilada adduunka, isla-markaana ay sababtay duufaanka El-nino.

Fatahaadaha iyo daadadka is biirsaday ayaa waxaa xilligaasi ku dhintay in ka badan 100 qof, waxaana ku barakacay in ka badan hal milyan oo qof, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.