Taliska Booliska oo sheegay in hawlgal saddex weji leh uu ka bilowday Muqdisho

Xilli maleeshiyada Al Shabaab looga bartay in ay weeraradooda kordhiyaan bisha barakeysan ee Ramadan ayaa waxa uu Taliska Booliska Soomaaliyeed wadaa dadaalo lagu xaqiijinayo amniga magaalooyinka dalka qaarkood.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay iska kaashanayaan xaqiijinta amniga dalka.

"Iyadoo laga amba-qaadayo bisha barakeysan ee Ramadan, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu cibaadeystaan si nabad, ammaan iyo xasillooni ah ayaa hawlgaladu waxay ka socdaan guud ahaan dalka oo dhan, gaar ahaan 5-ta Maamul Goboleed ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, maadaama Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu laba heer kala yahay." Ayaa yiri Afhayeenku.

Afhayeenka oo VOA la hadlay ayaa tilmaamay in hawlgaladu ay si saf ballaaran ah uga socdaan magaalooyinka dalka, sida Beledweyne, Kismaayo iyo Baydhabo.

"Marka hawlgaladu si saf ballaaran ayay u socdaan, natiijooyin wanaagsan oo laga gaaray ayaana jira, maadaama amnigu uu maalmahaan xasilloon yahay oo uu fadhiyo." Ayuu yiri Afhayeenku.

Waxa uu sheegay in hawlgal ka ballaaran kuwa ka socda magaalooyinka dalka ay haatan ciidamadu ka wadaan Caasimadda Muqdisho.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in hawlgalka Magaalada Muqdisho uu yahay mid lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab, ciyaal weerada iyo muqaadaraadka.

"Hawlgalka Gobolka Banaadir ayaa isugu jira saddex hawlgal. Hawlgalka la dagaalanka muqaadaraadka, hawlgalka la dagaalanka burcadda hubeysan ama kooxaha ciyaal weerada iyo hawlgalka la dagaalanka Khawaarijta, saddexduba waxay ka socdaan Magaalada Caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda." Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ayaa xusay in maleeshiyada Al Shabaab ay isku dayayaan in ay dalka ka gaystaan weeraro ay ku muujiyaan in weli ay nool yihiin, xilli sida uu sheegay looga adkaaday furimaha dagaalka. 

"Waad aragteen sida furimaha dagaalka loogu baacsaday, meelo badana looga qabsaday, firxadkoodii keliyaa nool. Marka kuwaas ayaa muujinaya inay joogaan keliya maahanee, wax Khawaarij ah oo maanta shaqeynaya oo dalka ka jiraa, ma jiraan." Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Sanadkan wuxuu ku asteysan yahay, sanadkii xoreynta dalka Somaliya looga xoreyn lahaa argagixisada."