Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Degmada Galcad oo dhaqdhaqaaq uu ka socdo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala dalka.

Galcad ayaa waxaa degan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo maalmihii ugu dambeysay halkaasi ka waday abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ku wajahan Degmada Ceelbuur ee bariga gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Saraakiishii kale ee la socotay ayaa kormeeray fariisimaha ciidamada ku leeyihiin degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalkoodan uu la xiriiro u diyaargarowga gulufka uu qorshuhu yahay in lagu xoreeyo Degmada Ceelbuur, oo muddo dheer ay ka arrimineysay Al Shabaab.

Hawlgalkan ayuu hakad ku yimid bishii April, markaas oo ay soo baxeen warar sheegaya in Shabaabku ay si khasab ah ku soo dagaal gelinayaan beelaha deegaanka, taas oo masuuliyiinta Galmudug ay sheegeen in ay ka feejigan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Al Shabaab ay toddobaadkii hore bilaabeen in ay isaga baxaan degmadaasi.

Ceelbuur waxaa lagu tilmaamaa inay Shabaabka ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe, waana magaalada ugu muhiimsan ee ay xilligan ka maamulaan deegaanada Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa horaantii sanadkan la wareegay gacan ku haynta Degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad ee gobolkaasi.

Shabaabka ayaa guluf ballaaran kala kulmayay ciidamada is garabsanaya, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska.