Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xasillinta Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xasillinta Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo sidoo kale uu ka qaybgalay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa waxaa warbixin amniga la xiriirta looga dhageystay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin.

Kulanka ayaa lagu faah faahiyay hubkii faraha badnaa ee ay Khamiistii ciidamada ku qabteen Magaalada Muqdisho.

General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo bogaadiyay ciidamada iska kaashanaya hawlgalka loogu magac-daray (Ciiltire) ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa faray in ay dardargeliyaan hawlgaladooda.

Hawlgalka Ciiltire ayaa ah mid lagu la dagaalamayo Amniyaadka Al Shabaab, kooxaha burcadda/ciyaal weerarada iyo muqaadaraadka.

Is bedel dhanka amniga ah ayaa laga dareemayaa Caasimadda Muqdisho, ka dib markii amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.