Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar ee Somaliya, S/guuto Ahmed Fathi Abdisitar.

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada tababarada ciidamada, taageerada Hawlgalka AUSSOM iyo horumarinta xiriirka militari ee labada dalka.

"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada tababarada ciidamada, taageerada Hawlgalka AUSSOM iyo horumarinta xiriirka militari ee ka dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Masar." Ayaa lagu yiri warka.

"Intii uu kulanku socday, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Masar." Ayaa lagu sheegay warka.

Warka ayaa lagu xusay "Dhankiisa, U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar, S/guuto Ahmed Fathi Abdisitar ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Somaliya, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarinta awoodda Ciidanka XDS."

Taliyaha Militariga Somaliya ayaa Dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan tahay Somaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarada iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, sida lagu sheegay warka.

General Ahmed Fathi Abdisitar ayaa ah Sarkaal sare oo ka tirsan Militariga Masar, kaas oo door weyn ka qaata isku xirka amniga iyo iskaashiga militari ee labada dal.