Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay wafdi ka socda Pakistan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta Xarunta Taliska ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Pakistan.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Kuxigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz ayaa Axaddii soo gaaray Caasimadda Muqdisho, iyagoona la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu la yeeshay wafdigan ayaa looga hadlay dardargelinta dhismaha iyo sare u qaadista awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayaynta iyo horumarinta awoodaha ciidanka, sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

"Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga, si loo sii horumariyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliya iyo Pakistan." Ayaa lagu yiri warka.

Xiriirka iskaashiga difaaca iyo amniga ee labada dal ayaa galay weji cusub oo taariikhi ah, ka dib markii labada dowladood ay bishii August Magaalada Islamabad ku kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo dhanka difaaca ah.  

Iskaashigan ayaa lagu sheegay kii ugu ballaarnaa ee dhex mara Muqdisho iyo Islamabad, muddo dhowr iyo toban sano ah, iyadoona uu diiradda saarayo dhismaha awoodda ciidanka, amniga badda iyo cirka.