Tirada askarta Mareykanka ee la dilay oo gaartay lix askari

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in tirada askarta laga dilay ay korortay, isla-markaana ay dhimashada askartu gaartay lix askari.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa xalay sheegay in tirada askartooda la dilay ay Isniintii gaartay lix askari.
Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Ciidamada Mareykanka ay heleen meydadka laba askari oo la la'aa, kuwaas oo ku sugnaa saldhig la duqeeyay, ka dib markii Iran ay gobolka ka bilowday weeraradii ugu horreyay ee aargoosiga.
Cusbooneysiintan cusub ayaa imaneysa, ka dib markii Iran ay Axaddii duqayn ku dishay saddex ka mid ah Ciidamada Mareykanka, xilli ay ku sugnaayeen saldhig militari oo ku yaala Kuwait.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa isla Axaddii sheegay inay filayaan khasaare sidaan oo kale ah, inta uu dagaalku socdo.
Madaxweyne Trump ayaa xilligaasi ku hanjabay in ay u aargudi doonaan askartooda lagu dilay dalkaasi Kuwait.
Warbaahinta CBS ayaa Taliska CENTCOM ka soo xigatay in 18 askari oo kale oo American ah ay si xun ugu dhaawacmeen weerarada ay Iran ka waddo gobolka.


