Tirada dadka shacabka ee ku dhimanaya colaadda Gaza oo si xowli ah u kordheysa

Ciidamada Israel ayaa maanta duqayn culus ka gaystay koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis, maalin ka dib markii Mareykanka uu diidmada qayaxan u isticmaalay qaraarkii Qaramada Midoobey ee ku baaqayay xabad joojin degdeg ah oo bani'aadantinimo.

Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas maamusho ayaa caawa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha Israel ay gaartay 17,700 oo qof.

Wasaaradda ayaa sheegtay in inta badan dadkaasi ay yihiin dumar iyo carruur, kuwaa oo wax ay galabsadeen aysan jirin.

Tani ayaa ka dhigan in Ciidamada Israel ay tan iyo 1-dii bishan ay dileen ku dhawaad saddex kun oo qof oo shacab ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay dhexda kaga jiraan god dheer oo mugdi ah.

Xoghayaha ayaa bartiisa X ku sheegay in gantaalada Xamaas ku weerareyso Israel aanay Israel qiil uga dhigan karin xadgudubyada ay ka gayneyso Marinka Gaza.

Xoghaye Guterres ayaa muujiyay in Israel ay ku xadgudbeyso sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Marka laga soo taggo in Ciidamada Israel ay gumaad ka gaysanayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza, haddana Tel Aviv ayaa hortaagan in dadka rayidka ah la gaarsiiyo kaalmada bani'aadantinimo ee ay u baahan yihiin.

Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in kala bar dadka reer Gaza ay u dhintaan gaajo.

Agaasime Kuxigeenka Hay'adda WFP, Carl Skau ayaa sheegay in waxa ka socdo Gaza ay xaaladda ka dhigtay wax aan macquul ahayn, sida uu yiri.

Carl Skau ayaa sheegay inaanan gargaarka si nabdoon lagu gaarsiin karin Marinka Gaza, shaqaalahoodana ay la kulmayaan cabsigelin iyo fowdo, isla-markaana ay arkayaan shacabka oo wajahaya xaalad quus ah.

Ka dib cadaadis heer caalami ah oo bishii November la saaray Israel ayaa keentay in toddobaad ay xabad joojin ku-meel-gaar ah ka dhaqangasho Marinka Gaza, markaas oo magaalada loo ogolaaday in la geeyo qayb ka mid ah gargaarka sida weyn loogu baahan yahay.

WFP ayaa dalbaneysa in la helo marin labaad oo nabdoon, si lagaga jawaabo amaba loo dabaalo baahida dadka shacabka ah ee halkaasi ka jirta.