Tirada shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee lagu dilay Gaza oo korortay

Tirada shaqaalihii ka shaqeynayay gargaarka bani'aadantinimo ee habeen hore lagu dilay Marinka Gaza ayaa gaartay toddobo qof.

Shaqaalahan oo lala dilay darawalkoodii oo muwaadin Falastiini ahaa, una shaqeynayay Hay'adda World Central Kitchen ayaa la beegsaday, xilli ay ka soo laabteen gargaar qaybin ay ka wadeen waqooyiga Gaza.

Ciidamada Israel ayaa gaarigii ay wateen ku duqeeyay deegaanka Deir al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

Hay'adda ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah shaqaalaheeda la dilay ay u dhasheen Ingiriiska, mid haystay dhalashada Mareykanka & Canada iyo kuwo kale oo u dhashay Australia, Poland iyo Falastiin. 

Waxaa soo xoogeysanaya baaqyada caalamiga ah ee Israel looga dalbanayo inay caddeyso baahida keentay in ciidamadeeda ay dilaan dadkaasi.

Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa carro ka muujiyay weerarka xagga cirka ee ay Israel ku bartilmaameedsatay shaqaalaha gacanta ka gaysanayay gurmadka bani'aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka aadka ugu baahan.

Raysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese ayaa sheegay inaanan gebi ahaanba la aqbali karin tallaabada lagu dilay dadkaasi.

"Runtu waxay tahay in tani ay dhaafsiisan tahay xaalad kasta oo macquul ah in qof u socda bixinta gargaarka bani'aadantinimo uu naftiisa ku waayo." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Albanese ayaa yiri "Waxaan rabnaa isla xisaabtan buuxa oo arrintan ku saabsan. Tani waa masiibo aan weligeed dhicin." 

Albanese ayaa mar kale ku celiyay baaqiisii ahaa in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka lixda bilood ka socda Gaza.

"Waa in la joojiyo dagaalka, xabad joojintana ay noqoto mid waarta. Australian-ku waxay rabaan inay arkaan soo afjaridda colaadda." Ayuu yiri Albanese.

Pedro Sanchez, Raysal Wasaaraha Spain oo isna si kulul u cambaareeyay weerarkaasi ayaa ku tilmaamay fal arxan-darro ah.

Raysal Wasaare Sanchez ayaa Tel Aviv ugu yeeray inay si degdeg ah u ogolaato in gargaarka uu si nabdoon u gaaro dhulka muddada dheer go'doonsan, iyadoo la fulinayo amarkii ka soo baxay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah.

Dhanka kale Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa qirtay in Ciidamada Israel ay ka dambeeyeen duqaynta lagu dilay shaqaalahaasi.

Raysal Wasaaraha oo sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadaasi ayaa haddana sheegay in tani ay ka dhacdo goobaha dagaalka.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uu la xiriiray dowladaha dadka ku dhintay duqayntaasi, isla-markaana ay samayn doonaan wax kasta, si looga fogaado dhacdadan oo kale.

World Central Kitchen oo ah hay'ad ka shaqeysa arrimaha samafalka ayaa sheegtay in shaqaalaheeda ay wateen astaanta hay'adda, isla-markaana ay wada shaqeynayeen Ciidamada Israel. Hay'addu waxay xustay inaanay garanayn sababta ay bartilmaameed u noqdeen.

Israel ayaa u muuqato mid weli ka biyo diidan dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu badbaadiyo nolosha dadka reer Gaza, iyadoo markaasi laga hortaggayo macluusha ay Qaramada Midoobey ka digtay.